4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Ururka suxufiyiinta Nusoj oo ka hadlay Maalinta Caalamiga ah ee Dambiyada aan la isku ciqaabin


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Guddiga fulinta ururka suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ oo maanta shir ay ku yeeshay Muqdisho waxay uga hadleen maalinta vaalamiga ah ee dambiyada aan la isku ciqaabin ee ka dhanka ah suxufiyiinta, iyadoo sidoo kale looga hadlay shirka xaaladda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Shirkaan oo uu shir-guddoominayay xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim ayaa ugu horreyn tacsi loogu diray dhamaan eheladii iyo qoyaskii Musaf Cabdi Nuur [Shafana] oo ahaa wariye madax-bannaan oo u shaqeynayay telefishinka Al-jazeera iyo Idaacadda Shabelle oo lagu dilay weerarkii Hoteelka Saxafi, isagoo shaqadiisa gudanaya, waxaana sidoo kale dhaawac fudud uu isna kasoo gaaray wariye Feysal Cumar, iyadoo Alle uga baryay caafimaad deg-deg ah.

Maalinta 02-da November oo ah maalin caalami ah oo ay Qaramada Midoobay u asteysay in lagu xasuusto dhammaan wariyeyaashii iyo shaqaalihii warbaahineed ee caalamka lagu dilay iyagoo howshooda gudanaya, isla markaana dowladaha lagu xusuusiyo inay baaritaan ku sameeyaan dilalka suxufiyiinta si caddaalad ay u helaan.

Wariye Shafana Allaha u naxariistee wuxuu noqonayaa wariyihii saddexaad ee Soomaaliya lagu dilo sannadkan 2015-ka. Waxaana horay loogu dilay Allaha u naxariistee; Maxamed C/kariin Macallin oo ahaa weriyihii Universal TV uga soo warrami jiray gobolka Gedo oo lagu weerarkii Hoteelka Jazeera bishii July ee sannadkan 2015 - iyo Daauud Cali Cumar oo u shaqeynayay Radio Baydhabo oo laguna dhex dilay gurigiisa bishii Abriil ee sannadkan.

Sidoo kale, sannadkii hore ee 2014-ka ayaa Somalia lagu dilay illaa shan suxufi, taasoo ka dhigaysa in Soomaaliya lagu dilay siddeed weriye sannadihii 2014-kii illaa 2015-kii.

Ugu dambeyn, guddiga fulinta NUSOJ, wuxuu cambaareeyay dhammaan tacaddiyada ka dhanka ah suxufiiyiinta, gaar ahaan kuwa aan la isku ciqaabin, iyagoo dowladda Somalia ka dalbaday inay baaritaan ku sameyso dilalka ka dhanka war-fidiyeenka, si loo xaqiijiyo ammaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya