4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM oo Maanta dad rayid ah ku dilay degmada BUULO-BURTE


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in gaari ay lahaayeen ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku jiiray afar ruux oo shacab ah, meel aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmada.

Duqa Buula-burte, Cismaan Geedi oo HOL la hadlay ayaa sheegay in gaariga oo ka yimid dhinaca garoonka diyaaradaha uu si lama filaan ah u dul-maray afar haween ah oo wadda socday, waxaana halkaa ku geeryooday mid ka mid ah haweenkii oo uu gaariga dul-maray, halka sadexda kelana oo qaba dhaawacyo culus lagu daweynayo isbitaal ay ciidamada ka socda Jabuuti ee AMISOM ku leeyihiin degmadaas..

“Haweeney dhallinyarro ah ayaa goobta ku geeriyootay, halka saddexda kale ee dhaawaca ah hadda lagu daweynayo isbitaal ay leeyihiin ciidanka Jabuuti ee ku sugan Buula-burte,"' ayuu yiri duqa degmada Buula-burte.

Saddexda haweenka ah ee dhaawucu soo gaaray ayuu xusay inay qabaan dhaawacyo culus, madaama qaarkood qeybo ka mid ah jirkooda uu bur-bur xoogan soo gaaray.

Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo sidan oo kale gadiidka ciidmmada AMISOM ay leeyihiin uu waxyeello u geystaan dad shacab ah guud ahaan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya