4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Musharaxiin Maanta Qaadacay Guddigii xallinta muranka xisbiga Kulmiye loo saaray (SAWIRRO)


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Isbahaysiga murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee 3-da ah ayaa maanta kulan qaddo ah oo isugu yimaadeen hoteel Crown ee magaaladda Hargeysa kaga soo horjeestay guddidii madaxweynuhu u saaray muranka xisbiga kulmiye.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa muranka iyo kala shakiga ka dhex jira musharaxiinta xisbiga Kulmiye dhexdiisa u saaray 5-xubnood oo qaarkood laga soo xulay garabkan mucaaradka ah inay hubiyaan liiska golaha dhexe ee shiweynaha inuu yahay kii saxdaa ahaa iyo inay wax khalad ahi ku jiraan si looga baxo is-marin waaga ka dhex jira xisbiga, haseyeeshee isbahaysiga musharaxiinta ayaa ku gacan saydhay guddidaasi iyagoo sheegay inaan garab-kooda la kala tashan guddidaasi sidaas darteedna aanay caqballi doonin.

Garabka isbahaysiga musharaxiinta  ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inuu la safan yahay murashax keliya oo ah guddoomiyaha xisbiga, taasina ayna suuro-gal ahayn in marna uu cadaalad ka dhex dhacdo xisbiga sidaas awgeed ay ka tashan doonaan talaabadda ay qaadi doonaan.

Kulankaan qadadda ah oo ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee taageersan garabkan, labada xubnood oo ka tirsan hogaanka xisbiga kulmiye, gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee golaha wakiilada iyo taageerayaaha musharaxiinta isbahaysiga ayaa halkaasi ku soo bandhigay cudadoodda, isla markaana fariin u diray madaxweynaha inaan la aamini karin 5-xubnood ee uu u saaray khilaafka xisbiga kulmiye ka dhex jira.

Ugu horreyn, musharaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in shanta xubnood aan lagu kalsoonaan Karin inay dhex ahaadaan, isla markaana madaxweynuhu uu si toos ah uu dhinac ugu xagliyo taasina aan lagu gali Karin tartan xor oo madax banaan.

“Waxaanu go’aansannay in aanan xisbigii aanu ahayn meel cadaaladi taalo oo lagu dhex tartami karo oo madaxweynihii iyo xukuumaddiiba dhinac la safan yihiin guddiga uu magacaabyna ay yihiin shan xubnood oo madaxweynaha u shaqaynaya oo aanan caqbali karin”ayuu yidhi musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye Maxamed Biixi Yoonis.

Waxaanu intaas ku daray. “Shanta xubnood waa shan shaqsi oo reer Somaliland (Guddida madaxweynuhu u saaray muranka xisbiga Kulmiye) sharaf & karaamo aanu u hayno, balse madaxweynaha magacaabay, madaxweynaha waa ka eedda weyni saaran tahay, annagii wasiirada ahayn ee ka sareeyey ee wasiirada ahayn ayaa ka tagnay cadaalad daro awgeed”.

Musharax C/casiis Maxamed Samaale ayaa isna ka biyo-diiday guddiga uu madaxweynuhu magacaabay, waxaanu sheegay in aanu madaxweynuhu iyo xukuumadiisu daacad ka ahayn inuu xisbiga tartan madax banaani ka dhacdo.

“Annagu waxaanu nahay musharaxiin madaxweyne ee xisbiga kulmiye, waxaanu kuwada soconaa in tartan xalaal ah wada galno, waxaana isku raacnay in xisbigu u afduuban yahay  guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, isla markaana uu helay taageeradii madaxweynaha, guddidaas waxanu u aragna guddi aan nagala tashan, waxaanu u aragna madaxweynaha iyo xukumaddu ay dhinac yihiin”ayuu yidhi musharax Samaale.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Siilaanyo ayaa habeenadii u dambeeyey kulamo gaar gaar ah la lahaa garabyada iska soo horjeedda, isagoo habeen hore kulan la yeeshay afar xubnood oo ay ku jiraan labada shirgudoonka Golaha Wakiiladda iyo laba xubnood oo ku jira hoggaanka Kulmiye ee taageersan isbahaysiga musharaxiinta, inkastoo warbaahinta loo soo bandhigin ujeedadda kulankaasi iyo waxay ka wada hadleen, haseyeeshee gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga kulmiye C/raxmaan Talyaana ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaasi daarnaa in madaxweynaha u gudbiyeen cabashadoodda.

Kulankaasi kaddibna uu madaxweynuhu guddi shan xubnood ah u saaro muranka xisbiga ka dhex-jira si ay hubiyaan xubnaha golaha dhexe ee ka qayb-geli doona shirweynaha uu xisbiga ku qabanayo Hargeysa 10-ka bishan November.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland