4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Madaxweyne Xasan oo ka Qayb-galay Janaasada Abaanduulihii hore ee CXDS Jen. Dhego-badan


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo saraakiil ayaa ka qayb-galay maanta janaasada abaan-duulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] oo ka mid ahaa 15-kii ruux ee shalay lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Waxaa janaasada maydka Dhego-badan lagula tukaday Masjidka shuhaddaa ee ku yaalla gudaha xarunta madaxtooyada Somalia, waxaana madaxweynaha Somalia uu u tacsiyeeyay qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday abaanduulihii hore cidamada xoogga dalka.

Jen. Dhego-badan ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiishii dagaallada adag qaybo ka mid ah dalka kula galay xoogaga Al-shabaab, isagoo ka mid ahaa saraakiishii sannadihii 2011-kii iyo 2012-kii Muqdisho iyo magaalooyinka kale oo Koonfurta Soomaaliya ka saaray Al-shabaab.

Salaaddii Janaasada ahayd ee lagu tukaday maanta taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir.

Meydka Jen. Dhego-badan ayaa loo duuliyay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud oo uu kasoo jeedo si loogu aaso, waxaa maydkiisa lagu qaaday diyaarad gaar ah oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ka duushay.

Dhanka kale, mas’uuliyiintii ka qayb-galay salaadda janaasada ayaa u tacsiyeeyay qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay Jen. Dhego-badan oo ay sheegeen in lagu xusuusto guulihii uu ka soo hoyay dagaalladii uu la galay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Saxafi, waxaana dabley hubeysan oo Al-shabaab ka tirsanaa ay gudaha u galeen hoteelka, kaddib qarax culus oo lagu jabiyay illinka hore ee Hotel Saxafi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya