4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Dunida oo laga Xusayo soo Af-jaridda gacmo ka laabashada Dambiyada loo geysto Suxufiyiinta


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Caalamka oo dhan ayaa waxaa maanta looga dabaal-dagayaa maalinta soo af-jaridda gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto suxufiyiinta, iyadoo la sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay dunida oo dhan 700 oo suxufi.

Xuskaan ayaa waxaa sidoo kale laga sheegay in sagaal ka mid ah 10-kii ruux ee u geysta dilalka suxufiyiinta ay baxsadaan oo sharci la horkeenin, taasoo la xusay in ay horseedday cadaalad-darro.

Hay’adda UNESCO ayaa waxay ka digtay in soo af-jaris la’aanta dambiyada loo geysto suxufiyiinta caalamka ay horseedayso in indhaha laga qarsado dambiyada ka dhanka ah xuquul aadanaha, musuq-maasuqa iyo dambiyada kale ee dhaca.

Sidoo kale, dowladaha caalamka, bulshada rayidka ah iyo warfaafinta ayaa loogu baaqay inay taageeraan maalinta soo af-jaridda gacmo ka laabashada dambiyada suxufiyiinta ka dhanka ah, si loo helo sharci iyo kala dambeyn.

Waxaa kaloo qaraarka uu ugu baaqay waddamada caalamka inay soo saaraan tallaabooyin looga hortagayo ama wax looga qabanayo gacmo ka laabashada dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta caalamka.

Sannadkii 2013-kii maanta oo kale ayaa waxaa lagu dilay waddanka Maali laba suxufi, taas oo keentay in maanta loo aqoonsado maalinta soo afjarida gacmo ka laabashada dambiyada loo geysto suxufiyiinta.

Qaraarkaan, waxaa lagu cambaareeyay dhammaan dilalka iyo dhibaatooyinka loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha kale ee ka shaqeeya warfaafinta, waxaa kaloo la soo jeediyay in kuwa geysta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta cadaaladda la horkeeno.

Dhanka kale, qaraarkan wuxuu ku boorriyay dowladaha inay ka shaqeeyaan sidii deegaan ku haboon shaqada ay u heli lahaayeen suxufiyiinta si ay u soo bandhigaan warbixinta ay bulshooyinka u tabiyaan, iyadoo aanay jirin wax cadaadis ah oo lagu hayo iyo weliba cabs-gelin.

Ugu dambeyn, sanadkii hore ee 2014-kii ayaa waxaa la dilay 87-suxufi oo ka shaqeynayay warfaafinta, halka sannadkii 2012-kii lagu dilay 123—suxufi dunida oo dhan oo ay ku jirto Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya