4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Hoteelka SAXAFI


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday shalay Hotel Saxafi oo ku yaalla bartamaha Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Inta la ogyahay 15-qof ayaa ku dhintay weerarkan, kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerarro qorsheysan ku qaadeen hoteelka oo ay degenaayeen mas’uuliyiinta dowladda iyo dadweyne kale.

Warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid khatar ku ah amniga iyo xasilloonnida dunida oo dhan, isla markaana uusan ahayn mid loo cudur-daari karo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno cid walba oo ku lug yeelata weerarkan argagaxiso ee shalay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay sheegeen in lagu dilay shacab badan oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, xubnuhu waxay dalalka calaamka oo dhan ugu baaqeen inay gacan ka siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya sidii ay weerarradan oo kale wax uga qaban lahayd.

Waxay kaloo xubnaha Golaha Amaanka ee QM ku baaqeen in gumard deg-deg ah la siiyo ciidamada dowladda federaalka Somalia si ay jawaab deg-deg ah uga bixiyaan weerarka lagu qaaday Hotel Saxafi.

Ugu dambeyn, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegeen inay ka go’an tahay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii ay xasilloonida iyo nabad-galyada Somalia loosoo celin lahaa. Iyagoo intaas ku daray in falalka noocan oo kale ah ee argagaxisada laga hortegi karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya