4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalia maanta la kulmay Wakiilka Somalia ee FAO (SAWIRRO)


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kulan kula qaatay wafdi ballaaran oo ka socday hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO.

Wafdigaan ayaa waxaa horkacayay wakiilka hay'adda FOA ee Somalia Richard Trenchard, waxaana wasiirka iyo wadigu kawada hadleen xaaladda haatan ka jira dalka iyo roobabka dabeylaha wata ee El Nino ee laga baqdin qabo inay Somalia ku dhuftaan.

Mas’uuliyiinta ka wsocda hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay ayaa waxay ka sheegeen kulanka inay ka geysan doonaan gacan sidii loo samata-bixin lahaa dadka Soomaaliyeed, maadaama cabsi laga qabo fatahaado ku dhufta dalka.

Sidoo kale, wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya iyo wakiilka FAO ee Somaila ayaa kawada hadlay sidii hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ay gacan uga geysan lahayd horumarinta xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xukuumadda Somalia ay dhawaan u sameysay guddi gaar ah, ka hortagga khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha laga baqdinta qabo inay dalka ka dhacaan.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya