4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Taliyaha CXDS oo kaga Mahad-celiyay Safiiradda UK ee Somalia Taageerada ay Siiyaan Ciidamada


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Taliyaha ciidamadda xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aaden Axmed ayaa kulan u la yeeshan safiiradd Britain ee Somalia, Harriett Mathew ayay kaga hadleen taageerada ay Ingiriisku siiyaan ciidamada xoogga dalka somalia. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan ciidanka xoogga dalka.

Safiiradda ayaa ballan-qaaday inay bixinayaan mushaaraadka ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qaybta 60-aad, iyadoona sidoo kale xustay inay ka qayb-qaadanayaan dib u dhiska xeryaha ciidamada si loo xoojiyo tayada iyo ciidamada.

Sidoo kale, Mathew ayaa ka hadashay dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee Hotel Saxafi, iyadoo tacsi u dirtay ehelladii dadkaas, kuwa dhaawacyadu kasoo gaareenna u rajeysay inay kasoo kabtaan.

Taliyaha ciidanka xogga dalka Somalia, Jen. Maxamed Aadan ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay safiirada iyo Britain taageerada ay siinayaan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Somaila iyo dadaalladooda ku aaddan dib-u-dhiska Somalia.

“Waxaan safiirka isku af-garanay sidii ay Britain u xoojin lahayd taageerada ay ciidanka xoogga dalka Somalia siiyaan. Waxaan soo dhaweynayaa ballan-qaadka ay sameysay; inagoo rajeynaya in uu hirgeli doono xilliyada dhow ee soo socda,” ayuu yiri Jen. Maxamed Aadan.

Ugu dambeyn, taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tan iyo intii la magacaabay waday sidii dib u dhis xooggan loogu sameyn lahaa ciidanka Somalia iyo sidii loo heli lahaa xuquuqda ciidamadda qalabka sida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya