4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2015
Madaxweynaha Somaliland oo Xallinta khilaafka u dhexeeya Xisbiga Kulmiye u Magacaabay Guddi


Isniin, November 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa guddi u magacaabay xallinta khilaafka ka dhex-taagan xisbiga talada haya ee Kulmiye, khilaafkaasoo ka dhashay saddex murashax oo ku dhawaaqay in shirka golaha dhexe ee xisbiga ee Hargeysa lagu qabanayo 10-ka bishan November uu u afduuban yahay hal murashax oo ah guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Siilaanyo guddiga uu magacaabay xalay goor-danbe waxay ka kooban yihiin shan xubnood oo kala ah; kuwasoo uu sheegay inay xal kasoo gaari doonaan arrinta sababtay khilaafka shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

MAGACYADA GUDDIGA:

1. Xasan Axmed Aadan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
2. Maxamed Faarax Xirsi, Guddoomiyaha Akaadamiyada Nabadda iyo Horumarka
3. Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland
4. Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha Guddida Maamul-Wanaagga     
5. Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif), Agaasimaha Maamulka SOLNAC        

Dhanka kale, Axmed Siilaanyo ayaa wareegtada magacaabida guddigan wuxuu ku sheegay in guddigani si madax-bannaan uu u soo hubinayo inuu wax khalad ahi ku jiraan liisaska xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo sida diiwaan-gelintoodu u dhacday.

Magacaabiddan guddigan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay xilalkii wasiirnimo ee ay ka hayeen xukuumadda Somalia ay isaga tageen in ka badan 10-xubnood oo wasiirro iyo wasiir ku xigeenno isugu jiray, kuwaasoo uu ka mid ahaa afhayeenkii madaxtooyada Somaliland.

Ugu dambeyn, wasiirradan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay isku casileen ay tahay in madaxweyne Siilaanyo  uu u xag-linayo murashax keliya, kaasoo ka mid ah xubnaha u taagan doorashada Somaliland ka dhacaysa sannadka 2017-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya