4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
SAWIRRO: Madaxweynaha oo Dhagax-dhigay Dhismaha Safaaradda Somalia ee Imaaraadka


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Madaxwenaha Somalia, Xasan Sh, Maxamuud ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha safaaradda cusub ee Somalia ay ku yeelanayso magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo dhulka laga dhisayo safaaradda ay xukuumadda Imaaraadka Carabtu ugu deeqday Somalia.

Dhismaha ayaa la sheegay inuu socon doono hal sano iyo laba bilood ah kaasoo ka kooban safaarada iyo guriga uu degayo danjiraha, waxaana madaxweynaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa booqdeen halka safaaradda laga dhisayo.

Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, C/qaadir Shiikhey Al-Haatimi ayaa goobta ka sheegay in muddo ka badan 42-sano ay tahay markii ugu horreysay ee dhul iyo dhismo ay Soomaalidu leedahay laga hirgeliyo Imaaraadka, isagoo ku daray intaas in safaaraddu ay horay ugu shaqeyn jirtay dhisamayaal si gaar ah loo leeyahay.

Danjire C/qaadir Sheekhey ayaa ku amaanay madaxweynaha dowladda Somalia iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya sida ay ugu gacan siiyeen shaqaalaha iyo madaxda safaaradda in laga hir-geliyo magaalada Abu Dhabi safaarad ay Soomaaliya leedahay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safarro uu ku tagay Sacuudiga, Hindiya iyo Imaaradka Carabta, waxaana si aad u diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya