4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
Maamulka Khaatumo oo ku Goodiyay inaysan ka dhici doonin Buuhoodle doorashada Somaliland


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Shir ay shalay yeesheen guddoomiyaha baarlamanka Khaatumo, guddoomiyaha golaha deegaanka iyo wasiirrada maamulkaas qaarkood ayay si cad u sheegay inaysan Somaliland u suuro-geli doonin in doorasho ay ku qabato degmada Buuhoodle iyo qaar kale oo ka mid ah deegaannada ay ka taliso Khaatumo.

Guddoomiyaha golaha deegaanka Khaatumo, Cabdi-fanax Cali Cawil ayaa wuxuu sheegay inay Somaliland carrabka ku hayso in Buuhoodle ay doorasho ka dhici doono, waxaanse ku leennahay buu yidhi ha ku ekaato doorashadu dhulka ay ka taliyaan.

“Deegaanno aysan Somaliland hadda ka talin, horayna aysan uga talin, kana talin doonin ayay carrabka ku hayaan. Annaguna waxaan leeennahay 'War laaca aragtaye laaga ma og-tahay',” ayuu yidhi guddoomiye Cawil.

Mar wax laga waydiiyay hadalladii wasiirka caafimaadka maamulka Somaaliland, Xagla-toosiye kasoo yeeray ayuu xusay in Somaaliland ay horay ugu sugnaayeen xubno kasoo jeeda deegaannada Cayn, balse aysan u suuroobayn inay doorasho ku qabtaan Buuhoodle, isaguna uu la mid yahay.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Khatumo, Maxamuud Cumar Xasan oo isaguna hadallo ka jeediyay kulankan ayaa tilmaamay in maamulada hareeraha ka xiga maamulka Khaatumo ay afka ku wanaagsadaan inay doorasho ku qaban doonaan deegaannada ay ka taiso Khaatumo, isagoo tusaale u soo qaatay madaxwaynaha Puntiland, Cabdiweli Gaas oo uu sheegay inuu ku af-gobaadsado inuu Laascaanood soo celin doono, halka uu maamulka Hargeysa uu ku hanjabo in doorashooyinka la gaadhsiin doono degmada Buuhoodle, balse taas aysan u suuro-gelayn.

“Buuhoodle iska daayee, doorashada Somaliland kama dhici doonto Laascaanood, taasna waa ballan, hadallada beenta ahna shacabka ha laga daayo,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Khaatumo.

Ugu dambeyn, hadalladan kasoo yeedhay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Khaatumo ayaa u muuqda kuwo looga jawaabayo hadallo wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed kasoo yeeray ee ahaa in doorashada Somaliland la gaarsiin doonaan gobolka Cayn.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood,Gobolka Sool