4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
Xukuumadda Washington Shaaciiyay inay ciidammo kuwa lugta ah ay u dirayo Waddanka Suuriya


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay dalka Suuriya u dirayso wax ka yar 50-askari oo ah ciidamadeeda gaarka ah, si ay tababarro iyo talooyin u siiyaan xoogagga mucaaradka Suuriya, kuwaasoo dagaal kula jira kooxda ISIS.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest ayaa sheegay in aysan ka qayb-geli doonin ciidamadooda howlgalka socda, laakiinse wuxuu sheegay inay ciidamadan la kulmi karaan khatar.

“Haddii aan u aragno in howlgalladu adag yihiin, waxaa suuro-gal ah inaan dalka Suuriya u dirno ciidammo ka badan 50-askari,” ayuu yiri Earnest, wuxuuna intaa ku daray. “Waa meesha ugu khatarsan dunida, mana ahan taas mid la inkiri karo.”

Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka oo aan is-magacaabin ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamadan ay la talin doonaan kooxaha mucaaradka ah ee Carabta Siiriya, Turkmen iyo Kurdish-ka ee ka dagaalama dalka Suuriya.

Tallaabadan oo ah tii ugu horreysay oo uu Mareykanku si cad ugu shaaciyo inuu u dirayo dalka Suuriyo ciidamadiisa lugta, waxaana tani ay ku timid kulan gaar ah oo dhex-maray madaxweynaha Mareykanka iyo xoghayaha difaaca Mareykanka, Ashton Carter bishii July ee sanadkan, taasoo madaxweyne Barack Obama looga dalbaday in la xoojiyo howlgallada Mareykanka ah ee ka dhanka ah Daacish.

Sidoo kale, Isbedelkan siyaasadeed ee dowladda Mareykanka ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay xukuumadda Suuriya xiriir la sameysay dowladda Ruushka, taasoo howlgallo duqeyn ah ka billowday dalkaas, kuwaasoo ay ku burburinayso xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda Bashar Al-Assad iyo kooxada ISIS.

Mar uu ka hadlayay Earnest suuro-galnimada in diyaaradaha dagaalka dalka Ruushka ee duqeynta ka wada suuriya ay duqeeyaan ciidamada Mareykanka ayaa yiri. “Taas ma ahan mid aan filayno, waayo waxaa jira xeerar caalami oo dagaalka ah. Dhanka kalena, Ruushku wuxuu duqeynta ka geysanayaan meelo ay ku sugan yihiin kooxda ISIS, ciidamadeennuna ma tagayaan halkaas.”

Afhayeenku ma sheegin muddada ay ciidamada Mareykanku joogi doonaan dalka Suuriya, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgallada Mareykanka ee dhanka ka ah kooxda ISIS uusan ahayn mid muddo kooban socon doona.

Dhanka kale, saraakiil aan is-magacaabin oo Mareykan ah ayaa sheegay in dalka Suuriya la geyn doono ciidamadan toddobaadyada soo socda, ayna halkaas joogi doonaan muddo 60-maalmood ah, iyagoo intaas ku daray in la dajin doono saldhig weyn oo ka mid ah kuwa ay dalkaas ku leeyihiin xoogagga mucaaradka ah.

Madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama iyo dhiggiisa Ciraaq, Haider Al-Abadi oo taleefoonka kuwada hadlay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa iska wareystay xaalka amni, tan siyaasadeed ee Ciraaq iyo weliba dagaallada ka dhanka ah ISIL eek a socda dalkaas, gaar ahaan deegaannada waqooyiga iyo galbeedka Ciraaq.

Ugu dambeyn, Earnest ayaa xusay in labada madaxweyne ay si gaar ah uga wada-hadleen qorshayaasha cusub ee dowladda Mareykanka ay ku xoojinayso dagaallada ka dhanka ah kooxda ISIS/Daacish.

Xukuumadda Washington ayaa hoggaaminaysa Isbahaysi ay qayb ka yihiin 60 waddan oo caalamka ka tirsan, kuwaasoo dagaal kula jira kooxda Islaamiga ah ee ISIL, iyagoo dhanka kalena caawiya mucaaradka ka horjeeda xukuumadda Bashar Al-Assad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya