4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Somalia oo soo Af-jaray Howlgalkii Hotel Saxafi (SAWIRRO)


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Ciidamada nabadsugudda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo af-jaray weerarkii saacadaha qaatay ee lagu aroortii hore ee saakay lagu qaaday hotel Saxafi oo ku yaalla Isgoyska KM-4 ee Muqdisho.

Warbixin kooban oo lasoo dhigay hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda dowladda Somalia ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhamaan kooxihii lasoo weeraray la dilay, howlgalkiina lasoo gunaanaday.

Inkastoo aysan weli hay’adaha amniga dowladda Somalia soo saarin warbixin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in weerarkan ay ku dhinteen 12-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan labaabtan qof.

Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ku jira xildhibaanno, qaar ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, saraakiil hore iyo milkiilihii lahaa Hotel Saxafi oo ay mas’uuliyadda weerarkiisa sheegatay Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] ayaa isagana hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay ku sheegay in lasoo afjaray howlgalkii Hotel Saxafi, xaaladda hoteelkuna ay deggen tahay.

Ma sheegin wasiirku khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana weerarkan noqonayaa midkii labaad ee ugu xoogga badnaa oo Muqdisho ka dhaca sannadkan 2015-ka.

Wararka dheeraad ah ee ku saabsan weerarka Hotel Saxafi waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya