4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2015
Hay’ada CRD oo Baladweyne kusoo Gunaanaday tababar la xiriira xalinta khilaafaadka (Sawirro)


Axad, November 01, 2015 (HOL) — Hay'adda CRD ayaa magaalada Beledweyne ugu soo xirtay shalay dad laga soo xulay qaybaha bulshada tababar socday muddo sideed maalmood ah oo lagu baranayay xallinta khilaafaadka soo kala dhax-gallay  bulshada.

Xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb-galay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayay guddoomiyaha maamulka gobolka C/fataax Xasan Afrax.

Madaxa CRD, Xassan Cismaan Xuuriye ayaa sheegay in marka guud ahaan adduunka la eego ay jiraan khilaafaad soo kala dhax-gala bulshada, hasse ahaatee loo baahaan yahay in ay jirto farsamo iyo aqoon lagu xalin karo khilaafaadkaas, waana tan keentay ayuu yiri in tababarkan la qabto.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Afrax oo ka hadllay munaasabada xaritaanka, ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in tababarka noocan oo kale ah loo qabto dad laga soo xulay qeybaha bulshada, isaga oo ku dheeraaday ahmiyada tababarkan oo kale uu leeyahay, madaama Soomaalida muddo ka badan 25 sanno ku soo dhax jireen colaado iyo khilaafaad ragaadiyay nolashii caadiga aheyd, waxaana uu intaa ku darray in loo baahan yahay in sare loo qaado wacyiga bulshada ee la xiriira arrintan.

Tababarka oo ay fulisay hay'adda CRD ayaa waxaa soo qaban-qaabisay dowladda Somalia, halka ay maal-galisay hay'adda UN-HAPITAT,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlne
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya