4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
RW Sharma'arke oo Maanta Furay Wajiga 2-aad ee shirka ka socda Degmada Cadaado (SAWIRO)


Axad, May 31, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo isugu jira wasiiro, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado, isagoo Furay Wajiga Labaad ee Shirka Maamul u Sameynta gobollada dhexe Mudug iyo Galguduud.

Sharma’arke iyo Waftigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Xildhibaanno, Mas’uuliyiinta Ximin iyo Xeeb, Madaxweynaha Galmudug, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale.

RW Somalia ayaa markii uu gaaray Hoolka Shirku ka socday Salaamay Ergadii ku sugnaa halkaas shirsanaa, isagoona uga mahad-celiyay ergada dhabar-adayga ay muujiyeen intii ay ku howlanaayeen xulista ergooyinka.

“Maanta Waxaa Farxad ii ah in aan furo wajigii labaad ee Shirka maamulka loogu dhisayo samaynta Gobolada Dhexe ee Somalia, shirkani wuxuu qayb ka yahay dadaalada dowladdu ay ku xaqiijinayso Hiigsiga 2016-ka oo dalka looga dhisayo maamullada,” ayuu halkaas ka sheegay ra’iisul wasaaraha Somalia.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Wajiga labaad ee shirka waxaa lagu an-sixinayaa Axdiga KMG ah oo uu yeelanayo maamulka la dhisayo, waxaana uga baaqayaa Wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia iyo gudiga farsamadu inay iska kaashaadaan sidii loo qancin lahaa dadka qaba cabashooyinka.”

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya ayaa u Mahad-celiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudiga Farsamada dadaalkooda ku aaddan ka miro-dhalinta shirka, Wuxuuna ku booriyay odayaasha dhaqanka iyo ergada shirka ka qayb-galaysa inay shirkooda soo gaba-gabeeyaan dhamaadka bisha Ramadaan hadii ALLE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya