4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ku dhaawacmay shil uu la galay Baaskiil uu watay


Axad, May 31, 2015 (HOL) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa ka jabay Lugta Midig kaddib markii uu shil la galay Bushkuleeti uu si Xowli ah ku kexeynayay maanta oo Axad ah, iyadoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in la baajiyay laba socdaal oo uu Kerry ku tegi lahaa magaalooyinka Madrid ee dalka Spain iyo magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

“Dhaawaca Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa haatan lagu Daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Geneva, halkaasoo la dhigay markii dhaawucu uu soo gaaray, xaaladdiisuna way wanaagsan tahay,” ayuu John Kirby hadalkiisa raaciyay.

Shilka uu dhaawucu kasoo gaaray Kerry ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay kulan kula qaatay magaalada Geneva dhiggiisa dalka Iiraan, Mohammad Javad Zarif oo ay kawada hadleen sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadallada hubka Nukliyeerka ee dalka Iiraan.

“Waxaa dhaawaca xoghayaha lagu duuliyay Diyaarad kuwa Qummaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Helicopter taasoo ka Qaaday goobtii uu Dhaawacu ku gaaray gaarsiisayna Isbitalka lagu daweynayo,” ayuu mar kale yiri John Kirby. Isagoo intaas ku daray. “Weli ogaal wuu leeyahay mana jirto xusuus ka luntay.”

Kerry oo 71-jir ah ayaa la sheegay inuusan marna ka tegin baaskiilkiisa, markuu u safarayo dibaddana horay ayuu u sii qaataa, si uu marka uu fursad helo u kexeeyo, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xukuumadda Washington.

Gellinka dambe ee maanta oo Axad ah ayaa  lagu waday in Kerry uu u dhoofo Madrid ka hor inta uusan aadin Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska oo kula Kulmi lahaa Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Haidar al-Abadi iyo xubno ka tirsan Mareynaka oo ay kawada Hadli lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya