4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
SAWIRRO: Ciidamo ka Tirsan kuwa Burundi ee AMISOM oo Billado lagu gudoonsiiyay Muqdisho


Axad, May 31, 2015 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Dalka Burundi oo Qayb ka ahaa howlgalka AMISOM ee Somalia ayaa billado lagu gudoonsiiyay Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay dhameysteen howshii ay u joogeen Soomaaliyeed.

Askartan ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi ayaa waxay tiradoodu ahayd 1,828 askari oo ka kala tirsanaa guutooyinka 26-aad iyo 27-aad ee waddanka Burundi kaga sugan Soomaaliya, waxaana billadaha guddoonsiisay ku xigeenka u ah Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lydia Wanyoto.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidamada AMISOM, Jem. Jonathan Rono, Danjiraha Burundi u jooga Somalia, Joseph Nkurunziza iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Danjire Nkurunziza oo ka hadlay munaasabadda ayaa amaanay howsha ay askarta ka socda Burundi ka qabteen Somalia intii ay joogeen Soomaaliya, isagoo ku sheegay Warbixintiisa in Askartan ay Tilmaan u noqonayaan ciidamada natooda u hufay Afirka.

“Billadahan waxaad ku muteysateen howlgalkii aad halkan u joogteen oo aad si wanaagsan u Dhameysteen, Waxaadna dib ugu laabanaysaa Dalkiinnii Hooyo. Tani waa billado horay loo siiyay Ciidammo hore oo howshan oo kale Qabtay. Waxayna billaadahan aqoonsi idiin kugu noqonayaan inaad ka mid tihiin ciidamo u soo shaqeeyay dad Afrikaan ah,” ayuu yiri Danjiraha Burundi u jooga Soomaaliya.

Sidoo kale, ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Lydia Wanyoto oo iyaduna hadal ay Munaasabadda ka jeedisay ku Ammaanay ciidamada dalka Burundi ee Howlgalka dhameystay inay taageero xooggan ka geysteen dib u soo celinta xasilloonida Soomaaliya.

Wanyoto oo jeedisay khudbad iyadoo ku hadlaysay wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Maman S. Sidikou ayay tiri. “Waxaad halkan (Somalia) u timaadeen waa in aad caawisaan walaalihiinna Soomaaliyeed, waxaadna qabteen howl aad iyo aad u wanaagsan.”

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jen. Jonathan Rono ayaa salaam-sharaf uu askarta Burundi ka qaatay kaddib wuxuu u Sheegay inay Howlo Adag ka Qabteen Somalia intii ay Joogeen, isagoo xusay inuu ogyahay inay caqabado badan ka horyimaadeen balse ay ka guuleysteen.

“Markaan howlgalka ka hadlo, waxaad tihiin ciidan kaalin weyn ka qaatay Howlgallada ay AMISOM u joogto Somalia, Waxaadna habeen iyo maalin u taagnaydeen sidii aad Amniga ku adkeyn lahaydeen. Sidoo kale waxaad kaalin ku lahaydeen howsha bani’aadamnimo ee AMISOM ay Somalia ka Qabatay. Runtiina waxaad tihiin ciidammo tababar fiican u qabay howsha ay qabayeen waana idinku amaanayaa,” ayuu ku yiri Jen. Rono hadal uu ciidamada Burundi u jeediyay.

Ugu dambeyn, dalka Burundi ayaa ah dalka labaad ee ciidamada ugu badan ay ka joogaan Somalia, kuwaas oo Qayb ka ah AMISOM, iyagoo ka Howl-gala Muqdisho iyo Gobollada Koonfurta Soomaaliya Qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Burundi ee dib ugu noqonaya wadankooda kaddib markii ay Dhameysteen Howlgalkii ay u joogeen Somalia ayaa imaanaysa Xilli Dalka Burundi ay ka jiraan xiisado ka dhashay dib isku sharaxida madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya