4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
DAAWO VIDEO: Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu soo Gunaanaday Magaalada Kismaayo
Axad, May 31, 2015 (HOL) —Tartan kubadda cagta ah oo ay ku loolamayeen 22 kooxood oo ka dhisan degmada Kismaayo ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo ciyaartii kama danbeysta ee tartankani ay isugu soo hareen kooxaha Shaqaalaha iyo kooxda dakadaha.

Cayaar aad u xiiso badnayd oo dhexmartay labada kooxood islamarkaana ay usoo daawasho tageen boqollaal qof oo dadka reer Kismaayo ah iyo madax ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa kusoo idlaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Dakadaha.

Cayaarta markii ay soo dhamaatay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha isboortiga Jubbaland Cabdi Max'ed Axmed (Cabdi Xaaq), kaasoo u hambalyeeyay labada kooxood ee finalka isugu soo haray iyo weliba kooxda koobka qaaday, waxa uuna mahadcelin u jeeediyay rugta ganacsiga iyo warashada Jubbaland (JCCI) iyo ururka dhalinyarada Jubbaland ee (JYL) oo iyagu iska kaashadan qabsoomidda tartanka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan ay degmada Kismaayo ku qaban doonaan tartan dhexmari doona sedexda gobol ee uu ka koobanyahay maamulka Jubbaland.

Shaafi Raabi Kaahin, gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland ayaa dhankiisa soo dhaweeyay cayaartii dhexmartay labada kooxood, isagoo sheegay in ka ganacsato ahaan ay garab istaagi doonaan isboortiga gobolka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya