Gudiyada qorista dastuurka Jubbaland oo yeeshay kulankoodii ugu Horreeyay (SAWIRRO)
Axad, May 31, 2015 (HOL) — Sedexda guddi ee loo xilsaaray dib u qorista dastuurka Jubbaland ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay isugu yimid iyagoo ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin, sidii tashiyada ku aadan dastuurka cusub loo gaarsiin lahaa degmooyinka ay ka koobantahay Jubbaland.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay gudiyadani uga doodeen arimo dhowr ah oo la xiriira qorista dastuurka cusub ee Jubbaland, iyadoo intii uu kulanka socday lasoo jeediyay in guddiyo loo diro degmooyinka kala duwan ee uu ka arimiyo maaulka Jubbaland.
Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Jubbaland C/qani Cabdi Jaamac oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ku booriyay gudiyada kala duwan ee qorista Dastuurka Jubbaland in ay laba jibaaraan dadaalkooda isagoo sheegay in la doonayo in 16-ka bisha soo socota ee June laga doonayo gudiyada qorista dastuurka in ay soo saaraan draft-tiga dastuurka.
Gudigan ayaa la filayaa in ay soo qoraan dastuurka Jubbaland, waxaana la filayaa in ay safarro kala duwan ku kala bixiyaan degmooyinka iyo deegaanada uu ka koobanyahay maamulka Jubbaland, si dadka ku nool deeganadaasi ay araahdooda uga dhiibtaan dastuurka cusub ee la doonayo in la qoro.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- RW Sharma'arke oo Maanta Furay Wajiga 2-aad ee shirka ka socda Degmada Cadaado (SAWIRO)
- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ku dhaawacmay shil uu la galay Baaskiil uu watay
- SIILAANYO: Xil weyn baan iska saaraynaa inaan Dadka Qoxootiga ah soo Dhaweyno (SAWIRRO)
- SAWIRRO: Ciidamo ka Tirsan kuwa Burundi ee AMISOM oo Billado lagu gudoonsiiyay Muqdisho
- DAAWO VIDEO: Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu soo Gunaanaday Magaalada Kismaayo
- Kooxda kubbada kolayga Qardho oo gaartay finalka koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika
- DUQA MUQDISHO: Tira-koobkii Wasaaradda Qorsheynta Waa Mid ka fog xaqiiqda (Dhageyso)
- RW Sharma'arke iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goor-dhow gaaray Magaalada Cadaado
- Prof. Dufle oo Bulshada Soomaaliyeed uga Digay Khatarta Cabista Sigaarka & Cudurada ka dhasha
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Geli Doonin Heshiisyo Shidaal oo aan Xalaal ahayn
- QAYBTII 2-AAD: Wareysigii uu HOL siiyay Jeelle oo uu kaga hadlayo Taariikhdiisii Nololeed iyo Shaqo