4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
DUQA MUQDISHO: Tira-koobkii Wasaaradda Qorsheynta Waa Mid ka fog xaqiiqda (Dhageyso)


Axad, May 31, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ku dhaliilay yahay Tira-koobka Wasaaradda Qorsheynta Somalia ay dhawaan soo bandhigtay.

Muun-gaab ayaa tilmaamay in gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dadka Wasaaraddu ay sheegtay kuwo ka badan; isla markaana Maamulka Gobolka uu soo bandhigayo Tirada Dadka ku nool caasimadda Somalia ee Muqdisho.

“Wax la aqbali karo ma ahan tira-koobka ay Wsaaradda Qorsheynta soo saartay dhawaan, taasoo ay ku sheegtay in ka badan Hal Milyan iyo Bar Dad ku dhow ay ku nool yihiin Muqdisho, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid riyo maalmeed ah oo aanay waxba ka jirin,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Xasan Muun-gaab.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in riyada ah in dadka ku nool Muqdisho oo xitaa barakacayaasha lagu daray ay yihiin 1.7 milyan oo qof inaysan jirin cid xitaa arrintaas aq-bali karto.

DHAGEYSO: Hadalka Duqa Muqdisho ee la Xiriira Tira-koobka Dadka Muqdisho

“Dayax-gacmeed ayaan Xamar ku dul-marnay wuxuuna soo saaray tiradaas ma ahan wax jira waa been abuur aan sal iyo raad lahayn, waana ka xunnahay inay mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta deg-degaan oo ay tiradaas shaaciyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Muun-gaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sii hadlay ayaa intaas ku daray inay ahayd in markii horeba wax laga weydiiyo maamulka gobolka Banaadir, balse wax xiriir ah oo nalala soo Sameeyay ma jirto, innagoo diyaar u ahay inaan Hay’adaha Arrintan ku Shaqada leh iyo wasaaradaba aan kala shaqeynno.

Ugu dambeyn, hadalka Duqa Muqdisho ayaa imaanaya xilli Maamulka Puntland uu kasoo horjeestay Tira-koobkii Shacabka Soomaaliyeed ee ay Dhawaan soo Saartay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia oo kaashanaysa hay’adda Qaramada Midoobay ee Dadka UNFPA.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya