4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
RW Sharma'arke iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goor-dhow gaaray Magaalada Cadaado


Axad, May 31, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halkaasoo uu ka socdo shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Somalia.

Sharma’arke ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb, wasiirro ka tirsan xukumadda, musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimo ee Gobollada Dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka.

Amaanka Magaalada Cadaado ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana Waddooyinka la dhigay ciidammo isugu jira booliis, nabadsugid iyo ciidamada AMISOM si ay u sugaan ammaanka ra’iisul waasaraha iyo amnigiisa.

Ugu dambeyn, RW Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu galabta furo Wajiga Labaad ee Shirka maamulka Gobollada dhexe ee Cadaado ka socda, iyadoo lagu wado in maanta la furo si maamulka dhismihiisa loo dhameystiro.

Wixii kasoo kordha wararka ku saabsan Safarka Ra’iisul Wasaaraha Somalia waxaad kula socon doontaan wararka soo socoda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya