4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Geli Doonin Heshiisyo Shidaal oo aan Xalaal ahayn

Axad, May 31, 2015 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay in sahanka shidaalka ee laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh, iyadoo sheegtay dalku uu hagaagayo, maal-gashayaashu ay Gar-waaqsanayaan fursadaha ka jira, dowladduna way soo dhaweynaysaa.

In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano ah socday ma ahan mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa. Halka dibu-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.

“Kheyraadka Dabiiciga ah ee Somalia waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso dowladda Somalia. Waaxaha shidaalka iyo Gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, balse kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awoodda dowladda federaalka ee ay ku abuuranayso dakhligeeda,” sidaa waxaa yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Macdanta Somalia.

Sidoo kale, Wasaarada ayaa sheegtay inay i dhow ula shaqeyneysaa African Legal Support Facility oo ah waax ka mid ah Bangiga Horumarinta Afrika, si loo sameeyo hanaan xeerar maaliaydeed iyo kuwo sharciyadeed gacan ka geysan kara sahminta iyo soo saaridda shidaalka. Waxaan waxba ka jirin wararka sheegaya in heshiisyo aan iska geleyno anagoo indha xiran.

Dowlada Somalia wax heshiis wadaagga wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) lama gelin shirkad qudha oo shidaal. Hase yeeshee, shirkadaha waa ay u soo gudbisan karaan dalabkooda dowladda federaalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya