4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
Dowladda Washington oo ku dhawaaqday inay liiska Argagaxisada ka Saartay Waddanka Cuba


Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah liiska argagaxisada uga saartay Waddanka Cuba, iyadoo Tallaabadan ay qayb ka tahay isku soo Dhawaanshaha siyaasadeed ee labada waddan u socday dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, kaddib nus qarni ay khilaafyo siyaasadeed u dhexeeyeen.

Xukuumadda Cuba oo ay daris yihiin Mareykanka ayaa liiskan lagu daray Sannadkii 1982-kii, iyadoo sidoo kalena xayiraad laga saaray ganacsiga caalamiga ah, kaddib markii labada xukuumadood uu xiriirkoodu xumaaday.

Go’aankan ayaa Waxaa Jimcihii Shalay si Rasmi ah ugu Dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, isagoo xusay in go'aankan uu ku yimid markii Obama uu Arrintan ballaqaaday Bishii Abriil ee Sannadkan 2015-ka.

Iiraan, Suudaan iyo Suuriya ayaa weli ku jira liiska Argagaxisada ee Mareykanka. Iyadoo Mareykanka iyo Cuba ay heshiis ku gaareen inay dib u furaan Safaaradahoodii Havana iyo Washington, inkastoo aan waqti rasmi ah loo qaban.

Tallaabadan ayaa leh Muhiimad Siyaasadeed oo ay ka mid tahay in colaaddii u dhexeysay labadan waddan ee ka dhalatay dagaalkii Qaboobaa ee Caalamka ay hoos u dhacdo, iyadoo sidoo kale laga yaabo inay dib u soo laabato ganacsigii hubka ee  Waddanka Cuba.

Cunno-qabteyntii dhaqaale ee uu Mareykanku saaray Jasiiradda Cuba ayaa waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha Dalkaas, iyadoo Go’aankan cusub ee liiska Dalalka Taageera argagaxisada looga saaray ay u furi doonto inuu dib u soo kobco dhaqaalaheeda.

“Waddamada weli ku lugta leh Taageeridda Argagaxisada Calaamka weli Liiska ayay kusii jiri doonaan, iyadoo xayiraadda laga qaaday dalka Cuba ay qayb ka tahay qorshayaal looga saarayo dalalka joojiya inay argagaxisada taageeraan,” Sidaas Waxaa War-fidiyeenka ugu sheegay Washington Madaxa Xafiiska Waraafinta ee Aqalka Cad, Jeff Rathke.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo dhiggiisa Cuba Raul Castro ayaa kuklan ay ku yeesheen dalka Panama bishii Abriil ee sannadkan go'aan ku inay xiriirka labada waddan si rasmi ah u soo celiyaan bisha December ee Sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya