4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
SHARIIF XASAN: Mooshinkii Baarlamanka Juba Laga Keenay Waa Mid aan soo Dhaweyneyno


Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay maanta mooshinka xildhibaannada Somalia ay ka keeneen dhawaan Baarlamaanka Jubbaland iyo dagaalka Al-shabaab lagula jiro.

Shariif Xasan oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa Tilmaamay inuu soo Dhaweynayo Mooshinka laga keenay Qaabka loosoo dhisay Baarlamaanka Jubba; isla markaana uu aaminsan yahay in mooshinka uu yahay mid xal lagu raadinayo.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay mas’uul ka yihiin shacabka Soomaaliyeed waxaa jira beelo cabanaya oo wax ka daga Jubbooyinka; waana taas midda mooshinkan laga keenay,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Jubba, Sh. Axmed Madoobe uu ka baxay Heshiis ay Horay u wada gaareen, Isla markaana uusan maamulkiisu marnaba raalli ka noqonayn Baarlamaanka Jubbaland ee hadda shaqeynaya.

“Heshiiskii aan Maamul ahaan la galnay Jubba wuxuu ahaa mid aan si weyn ugu Niyad-sameyn, innagoo ku kalsoonayn in awoodda maamulladaas si siman loogu qaybiyo dadka gobolladaas wada-deggen, balse taasi ma dhicin, marka ma ogolaan karno baarlamaanka maamulkaas loo sameeyay oo aan si xaq ah lagu soo dhisin,” ayuu hadalkiisa ku daray Shariif Xasan.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa sheegay in Qodobka ku saabsan baarlamaanka ay tahay mid la jabiyay, balse ay qodobbadii kale ee ay ku heshiiyeen oo ay ka mid yihiin, Amaanka iyo isku dhafka ciidamada ay weli yihiin kuwo aan dhibaato ah lagu sameyn.

“Baarlamaanka Federaalka Somalia maadaama uu yahay Baarlamaanka Awoodda sharciga dalka oo dhan mas’uul ka ah, Waxaan ku Qanci doonnaa Go’aankii uu ka gaaro Arrinta ku saabsan dhismaha Baarlamaanka Jubbaland. Waayo haddii mooshin la keeno baarlamaanka waa la doodayaa waana qasab inuu go’aan kasoo baxo, innaguna kaas ayaan taageeraynaa, maadaama sharciga wax ka sarreeya aysan jirin,” ayuu mar kale yiri Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, Shariif Xasan oo ka Hadlay Dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan iyo Weliba deegaannada ay go’doonka ku hayaan ayaa xusay inay ka xun yihiin inay deegaanno badan oo Bay iyo Bakool ay Al-shabaab Go’doon ku hayso, Balse ay dhawaan Qaadan doonaan Tallaabooyin ay Al-shabaab kaga saarayaan Gobollada uu Maamulkiisu ka taliyo oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya