4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
Qoxootigii Soomaaliyeed ee kasoo degay dekedda BERBERA oo ay qaarkood soo gaareen Muqdisho

Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray  Qaar ka mid ah Qaxootigii Soomaaliyeed ee kasoo cararay dalka Yemen; kuwaasoo kasoo dagay Dekedda Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Dadkan oo la socday shan gaari oo basas ah ayaa u badnaa caruur iyo dad da’ ah, iyagoo markii ay Muqdisho yimaadeen la Hadlay Warbaahinta una sheegay in ay Dhibaatooyin badan lasoo kulmeen min Yemen illaa maanta oo ay joogaan Magaalada Muqdisho.

“Wallaahi dhibaato badan ayaan soo marnay, Somaliland waxay naga dhigeen sidii dad dal shisheeye yimid, balse hay’adaha samafalka ayaa gacan naga soo siiyay in aan halkan soo gaarno, waxaana ahayn markii aan Berbera kasoo daganay 1000 qof,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka kasoo cararay Colaadaha dalka Yemen.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in Muqdisho ay tahay magaaladoodii ayna aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan, isagoo sheegay in tirada dadka soo gaaray Muqdisho ee la socday shanta bas ay ahaayeen boqolaal qof.

Haweeney iyaduna ka mid ahayd Dadkaan Muqdisho soo Gaaray ayaa Sheegay in ay ku faraxsan tahay inay magaaladeedii dib ugu soo laabto, kaddib dhibaatooyinka fara badan oo ay soo mareen.

“Muqdisho waxaan ku imid si sharaf leh, waxaana gacan nasoo siisay hay’ado kuwa QM ka tirsan, waxaana aniga iyo caruurteyda nala soo siiyay min 300 oo Doollar,” ayay tiri haweeneyda oo xustay in iyada caruurteeda ay nabad ku yimaadeen Muqdisho.

Waxaa kaloo isaguna Warbaahinta la Hadlay ruux rag ah oo ka mid ahaa dadka maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay in isaga uu ahaa keligii lana soo siiyay 120 Doollar uuna Berbera illaa Muqdisho ku yimid 85-doollar oo keliya.

Ugu dambeyn, ruux kale ayaa isna ka hadlay markii ay kasoo baxayeen Dekedda Cadan, isagoo xusay in Makareefoon lagu Naadiyay Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dib ugu laabtaan dalkooda inay markab taagnaa Dekedda raacaan, maadaama ay dagaallo habeen iyo maalin ah ay ka socdeen dalka Yemen.

“Markab ayaa kusoo xirtay deked yar oo lagu magacaabo Qoor-masqar oo Cadan ka tirsan, waxaana dadka Soomaalida ah loogu baaqay in haddii ay doonayaan inay dalkooda dib ugu laabtaan Waddankooda ay kasoo baxaan. Waana soo raacnay, Yemen Dagaallo culus ayaa ka socda, lagumana noolaan karo, balse markii hore way iska wanaagsanayd dhibna kama uusan jirin,” ayuu mar kale yiri ruuxan.

Si kastaba ha ahaatee, Qoxooti badan oo Soomaaliyeed oo kasoo cararay colaadaha Yemen ka socda ayay maraakiibi keeneen dekedaha Berbera – Somaliland & Boosaaso – Puntland, kuwaasoo qaarkood lasoo ambabixiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya