4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
JEELLE: Federaalka Soomaaliya Waxaan u Arkaa inuu yahay Fawdo la Sharciyeynayo (SAWIRRO)


Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Col. Cismaan Maxamed Jeelle oo ka tirsanaa Golihii sare ee Kacaanka iyo Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wareysi dheer oo dhinacya badan taabanaya siiyay Warbaahinta HOL, isagoo ka warramay halka ay marayso xaaladda dalka

Wareysiga Jeelle ayaa sidan u dhacay:

HOL: Waxaad ka Warrantaa Aragtidaaada ku saabsan Federaaliisimka uu dalku Qaatay?

JEELLE: Aragtideyda ku saabsan nidaamka dowladda ee Federaalka horay ayaan uga sheegay shirkii 2004-tii lagu qabtay dalka Kenya; anigoo tilmamaay inaanay Somalia sinna ugu habboonayn Federaal, Waxaayabaha kallifa in la qaatana aysan ka jirin Soomaaliya. Haddii la qaatana noqonaysa fowdo la sharciyeynayo oo dalka u horseedaysa kala qaybsanaan qabayaaladeed oo aan loo baahnayn, waayo shacabka Soomaaliyeed waxaa u dhan waxyaabaha ummad mideyn kara oo ay ka mid yihiin; Wada-dhalasho, Luuqad, Diin, Dhaqan iyo Himilo ay ku doonayaan inay helaan Soomaaliya oo mideysan. Haddana fikirkeygaas waxba iskama bedelin oo sidii ayaan u aaminsanahay; waxaana muuqda ifafaale ah inay soo if-baxayan wixii aan ka baqayay.

HOL: Federaalkii hadda waa la qaatay oo waatan dalka uu maraya illaa seddex maamul-goboleed kuwo kalena dhabahoodii la hayo - maxaad marka ku talinaysaa iyadoo laga faa’iideysanayo waayo-aragnimadaada?

JEELLE:  (1) DOOWLADDA DHEXE: Dowladda dhexe ee federalka ah inkastoo ay ku hareereysan yihiin dhibaatooyin gudaha iyo dibadda ah oo aan la dafiri karin, haddana waxaan kula talinayaa inay dadaalkeeda kordhiso sida, siyaasada, amniga iyo wacyi-gelinta shacabka laguna baraarujiyo inay qayb ka leeyihiin soo celinta amniga iyo nidaamka xasillooni ee dalka. Dhaka kale waa inay si cad u tusisaa madaxda maamul-goboleedyada xuquuqdooda siyaasadeed oo aanay noqon gacan ku gabbed, isla markaana ay iyaud qabataa waxyaabaha ku kallifaya hoggaanka maamul goboleedyada inay dibadaba dalka u baxsadaan; sidoo kale waxaan kula talinayaa in kuwa ay la dagaalamayaan (Al-shbaaab) maadaama aysan Soomaali ka marnayn inay la gasho wadahadal nabadeed.

(2) MADAXDA MAAMULLADA GOBOLLADA: Maamul-goboleedyada, waxaan iyagana kula talinayaa inay ixtiraamaan wixii lagu heshiiyay oo ay ku ekaadaan maamulka gudaha ee gobolladooda oo ay joojiyaan is-garab-yaaca ay ku hayaan dowladda dhexe federaalka iyo la shiridda dowladaha iyo hay’adaha shisheeye oo arrintaas ay  daayaan dowladda dhexe oo u xil-saaran shaqadan; taasoo keeni karta in caalamku idiin soo qoslo.

(3) BAARLAMAANKA FEDERAALKAA: Isagana waxaan kula talinayaa inuu noqdo mid garsoore ah oo cadaalad ah una hiilliya xaqa, horseedna u ah danta dadweynaha; ogolaadana in dastuurka dib u eegis lagu sameeyo oo laga bedelo meelihii bedelaad u baahan; isla markaana xakameeya oo u caqli-celiya qolyaha diiddan in lasoo hadal qaado wax ka bedelid, kuna qanciyaaninay dantoodu ku jirto wixii umadda oo idil u dan ah, cabsidana uu ka baabi’iyo.

Ugu dambeyn waxaan dhammaantood ugu duceynayaa oo aan ALLE ka baryayaa in uu towfiiqda waafajiyo, natoodana ka badbaadiyo aafooyinka dhacaya, kuna guuleeyo inay noqdaan kuwo shacabkooda Soomaaliyeed gaarsiiya xasillooni, amni iyo horumar.

(4) SHACBIGA SOOMAALIYEED: Waxaan dadka Soomaliyeed iyagana ILLAAHAY uga baryayaa inuu ka qaado imtixaanka saran oo uu u naxariisto. Waxaana kula talinayaa in qof walba oo ka mid ahi ALLE u tobad keeno dalkana u duceeyo. Isla markaana uu taageero dowladda, wixii ka qalloocanna uu si xasillooni ah oo aan buuq lahayn ugu sheego, waayo waad u jeedaan duruufta idin haysata.

(5) QOLYOOWGA DAGAALLAMAYA: Iyagana Waxaan leeyahay walaalayaaloow la idin kama maarmo ee kaalaya oo gudaha wax ka saxa intii aad wax dili lahaydeen, dinkana la idin dili lahaa iyadoo labaduba ay khasaare noo tahay.

La Soco Qayb kale oo Wareysigan ka mid ah

Ibraahim Cumar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia