4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
Maalinta caalamiga ah ee Caafimaadka dheef-shiidka Adduunka oo Muqdisho laga Xusay (SAWIRRO)


Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Munaasabad weyn oo lagu Xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dheef-shiidka (World Digestive Health Day) oo ku beegan 29-ka May Sanad kasta ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu soo Qaban-qaabiyay Isbitaalka takhasugiga ah ee Dr. Dufle iyo Ardayda Jaamacada Banaadir qaarkood.

Munaasabadda ayaa waxaa ka Qayb-galay dhallinyaro, haween, Aqoonyahano, Culummo, Ardayda Jaamacadaha Qaarkood, Waxgarad, Qaybaha Bulshada iyo Marti Sharaf oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Cadde Xasan Cali (Gaabow).

Guddoomiyaha Midowga Ardayda kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Aweys Colow oo hadalo furitaan ah jeediyay ayaa xusay in kulamada noocan ah ay yihiin Wacyi-gelin. ayna faa’iido weyn u leeyihiin bulshada, isagoo ku baaqay in laga faa’iideysto.

Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo ah Agaasimaha Isbitaalka Takhasusiga ah Dr. Dufle ee magaalada Muqdisho ahna Dhakhtar ku Takhasusay Cudurada Dheef-shiidka iyo Beerka ayaa Munaasabadda ka sheegay in Maalinta Caafimaadka Dheef-shiidka ee 29-ka May ay tahay mid Caalami ah oo Caalamka oo Dhan laga Xuso si buu yiri looga Wacyi-geliyo dadka cudurada ku dhaca dheefshiidka.

“Laabjeexa cudurka Soomaalidu taqaanno waa cudur ka dhasha cuntada caloosha gasha oo dib u soo butaacda, waa holac ku dhaca laabta illaa kor, isagoo cudurka gaastiriiga xiriir la leh. waxaa kaliya ee looga hor-tegi karana waa in la qaato talooyinka dhaqaatiirta, la iskana ilaaliyo Waxyaabaha Sababi kara,” ayuu yiri Prof. Dufle oo Sidoo kale ah Gudodomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mar uu ka Hadlayay Waxyaaabaha keena in Qofku Laab-jeexo ayuu yiri. “Dheregta ama cuntada oo la iska badiyo ayaa ka mid ah Waxyaabaha keena Laab-jeexa Dhibaatooyinka uu reebana waxaa ka mid ah in qofku gaaro heer uu cunada cuni waayo, hun-guri mareenka oo bukooda awgeed illaa biyaha caadiga uu laqi waayo.”

Sidoo kale, Prof. Dufle ayaa ku Dheeraaday. si weyna u Falanqeeyay Cudurka Laab-jeexa & waxyaabaha keena, calaamadaha lagu garto, saameynta uu ku reebo caafimaadka qofka, sida looga hortegi karo iyo qaabka loo daweeyo intaba; isagoo ku boorriyay dadka markay Laab-dillaac isku arkaan inaysan Fududeysan ee ay Dhakhaatiirta la xiriiraan si wax looga qabto markiiba; waxaana dhakhtarku uu soo bandhigay Muuqaallo la xiriira cudurka Laab-jeexa sida uu u fal-galo, isagoo su’aalo la xiriira mowduucan uga jawaabay qaar ka mid ah ardayda ka qayb-gashay munaasabadda.

Ugu dambeyn, Munaasabadda Waxaa hadalo kooban ka jeediyay Sh. Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah Culummada Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Dallada Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee SOSCENSA, Prof. Shirwac, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Yariisow iyo Xubno kale oo Prof. Dufle uga Mahad-celiyay Wacyi-gelinta uu mar walba bulshada ka wacyi-geliyo noocyada cudurada, isagoo kaashanaya aqoontiisa, waxayna ku boorriyeen inuu halkiisa ka sii wado dadaalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya