4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
Waxgarad iyo Siyaasiyiin Dhaliilay Habka Maamulka loogu Dhisayo Gobolka Bay (SAWIRRO)


Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin shir Jaraaid ku qabtay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa saluugay habka maamul-u-sameynta Gobolka Bay, iyadoo la filayo in isla maanta lagu dhawaaqo degmo cusub oo ka mid noqonaysa degmooyinka Gobolka.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sheegay hadal uu odayaasha dhaqanka Koonfr-galbeed u jeediyay shalay habka loo Qaybsanayo Maamulka Gobolka, iyadoo odayaashuna ay kasoo horjeedeen qaabka uu soo bandhigay Shariif Xasan in awoodda loo qaybsanayo.

Sidoo kale, waxgaradkan oo ugu wayn yahay, Ugaas Ibraahim Macallin Cali (Leesaamow) ayaa ka hadlay Shirka Jaraa’id isagoo sheegay in loo Qaybsado hab siman oo ay cadaaladdi ku jirto.

Ugaaska ayaa intaas ku daray in Awoodda Gobalka aan la siin hal beel, taasoo uu sheegay inay keeni karto amni-darro dilaacdan iyo inay dhibaatooyin ka dhacaan magaalada. Isagoo ka dalbaday Shariif Xasan inuu la-tashi la sameeyo dhammaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka Bay.

Waxaa kaloo shirka jaraa’id ka hadlay Yuusuf Axamed Kheyr (Guuroow) oo mudane hore ah, isagoo xusay in loo baahan yahay in Gobollada Bay iyo Bakool maamulka loo dhisayo uu ahaado mid si siman loo qaybsado, laakiin aan cid gaar ah awoodda la siin, taasoo uu xusay inay dhalan karo xiisad aan fiicnayn oo keeni karta burbur iyo colaado.

Ugu dambeyn, maamullada Gobalka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaa loo sheegay inuu Waqtigoodu dhamaaday, uuna Madaxweynaha Koonfur-galbeed ku Mashquulsan yahay qorshe ku aaddan magacaabidda maamulka Gobolka Bay iyo kan Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo