4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo $100-kun gudoonsiisay guddiga Gurmadka Qaxootiga (SAWIRRO)


Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa lacag dhan 100,000 oo doollarka Mareykanka ah Guddoonsiisay Guddiga Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararay colaadaha Yemen.

Lacagtaan ayaa guddiga waxaa ku wareejisay Qaybta Samafalka ee Shirkadaasi (Hormuud Foundation), iyadoo lacagtaan ay noqonayso lacagtii ugu badnayd ee guddigan si toos ah loogu wareejiyo.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaxootiga Soomaalida ee dalka Yemen, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka guddoomay deeqda Hormuud si ay iyana u sii gaarsiiyaan dadkii loogu tala galay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa Alle ugu baryay Hormuud inuu bedel kheyr qaba uu ugu bedelo isagoo ku booriyay shirkadaha kale ee Ganacsiga inay ku daydaan.

Dhanka kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo iyagana la hadlay Warbaahinta ayaa xusay inay lacagahani ugu talo-galeen Somalida ku dhibaateysan dalka Yemen oo ay colaado ka socdaan, iyagoo xusay in hadba dhibaatada iyo daruufaha dalka ay Shirkadda Hormuud ka war-heyn doonto Waqti walba.

Ugu dambeyn, dhawaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Qoxooti isugu jira Yemeniyiin iyo Somali, kuwaasoo dhibaatooyin ay ku haystaan Muqdisho iyadoo qaar ka tirsan degaannada maamul goboleedyada dalka ay sidaas si la mid ah ay gaareen kumanaan Qoxooti ah oo kasoo cararay Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya