4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
Madaxweynaha Dalka Kenya oo Baajiyay Safarkii NIGERIA Kaddib fadeexad ka dhalatay wafdigisii


Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shalay baajiyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa wadanka Nigeria oo uu maanta oga qeyb gali lahaa Xaflada Caleema-saarka Madaxweyne Muhammadu Buhari, kaddib 11 Saacaddood oo dadka Kenyanka ah ay isla dhex maraayeen su'aalo ku saabsan wafdi tiradoodu ay gaareyso 84 xubnood oo markii hore la sheegay iney raaci doonaan Madaxweynaha iyo lacagta ku baxeyso.

Dadka Kenyanka ah, ayaa sidoo kale Baraha Bulshada ku eedeyay Madaxweynaha iyo Wafdigaas iney ku tumanaayo lacagta dowlada. Waxaana taas badalkeeda uu Mr Kenyatta u diray Ku-xigeenkiisa William Ruto iyo wafdi yar oo uu hogaaminaayo iney wakiil oga noqdaan Xaflada caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Nigeria oo maanta ka dhaceyso Magaalada Abuja ee xarunta wadankaas.

Joojinta Safarka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay iney ka dambeysay kadib markii warbaahintu ay si qarsoodi ah ku heshay liiska 84 xubnood ee ka tirsan dowladda, kana mid noqon lahaa Safarka Madaxweynaha iyo lacagaha gunnooyinka ah ee maalintii uu qaadan lahaa Sarkaal kasto inta ay ku jiraan safarkaas, oo la sheegay iney gaareysay 40,000 oo Kenya Shilling ah oo u dhiganto $ 400, taasoo ay caro xoogan ka muujiyeen dad-weynuhu.

Safarkaan, ayaa noqonaayo kii labaad ee Madaxweynaha Kenya uu baajiyo daqiiqadihii ugu dambeyay. Bishii la soo dhaafay, ayey aheyd markii diyaarad uu saarnaa madaxweyne Kenyatta oo safar uu ku tagi lahaa dalka Maraykanka oo uu oga qeyb gali lahaa Shir ganacsi- dib loogu soo celiyay Kenya xaalado aan la garaneeyn kadib markii Diyaaradaas oo mareysay hawada Itoobiya loo sheegay iney korodheen khataraha ka imaan karo hawlaha Military ee ka socdo Hawada wadanka Yemen.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya