4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
Somaliland oo Muddo dooni dusheed ku xayirtay Qoxooti Soomaali ah oo kasoo Cararay Yemen (DAAWO)

Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa qoxooti Somali ah oo kasoo cararay dalka Yemen u diidday inay ka degaan Dekedda Magaalada Berbera kaddib markii ay dhawaan sheegtay inaysan qaabili doonin Qoxootiga Soomaaliya kasoo jeeda ee kasoo cararaya colaadaha Yemen.

Doonida ay dadkani saarnaayeen waxaa la socday muwaadiniin u dhashay Dalka Yemen, waxaana markii uu markabka halkaasi tagay is hor-taag ku sameeyay in dadka Soomaalida ah laga soo dajiyo Mareeyaha Dekadda Berbera.

Maamulka Berbera oo iyaguna soo gaaray Dekadda ayaa kormeeray dadkaas si ay u kala hubiyaan halka ay kasoo jeedaana deegaan ahaan, dadkaasi waxay u bateen kuwo kasoo jeeda Somaliland.

HALKAN KA DAAWO: SOOMAALIDA LOO DIIDAY DEKEDDA BERBERA; 

Waxaa meesha ka dhashay muran xoogan iyadoo dadkii loo diiday inay dagaan lagu amray inaysan cagta soo dhigi karin Berbera, iyadoo dadka qaarkood ay ku goodiyeen inay badda isku tuuri doonaan haddii loo diido inay dekedda ka dagaan.

Haddaba haweenkii saarnaa markabka oo caruur ay ka xanuunsanayeen ayaa ku qayliyay  inaan la kala takoorin dadka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen inay iyaga iyo carruurtooda badda isku shubayaan haddii markabka laga dajin waayo.

Ugu dambeyn, muran iyo xanibaad dheer kaddib waxay wasiirrada maamulka Somaliland ogolaadeen in dadkaas laga soo dajiyo Markabka, inkastoo aan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya