4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Hay'ada MSF oo Maanta sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheedii ay kala Baxday DHADHAAB


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF ayaa maanta sheegtay inay qaar ka mid ah Shaqaalaheedii kala baxday Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Kenya, iyadoo ku sheegtay sababta ay shaqaalaheeda ula baxday cabsida laga qabo inay Al-shabaab Weerarro ka geysato Xeryahaas.

Beatrice Debut oo u hadashay Hay'ada MSF ayaa sheegtay in 42 ka mid ah Shaqaalahooda ay u Wareejiyeen Xafiiska ay ku leeyihiin Magaalada Nairobi, kaddib markii ay deegaanka Dhadhaab oo xeryuhu ku yaallaan ay ka dhaceen weerarro dhowr ah oo ay geysteen kooxo xag-jiriin ah.

Afhayeenadda ayaa intaas ku dartay in la xiray labo xarun Caafimaad oo ka mid ahaa Afrta xarumood ee ay ku lahaayeen Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo Nus Malyuun qof ku dhow, iyagoo xeryahan ay yihiin kuwa caalamka oo dhan ugu weyn.

Sidoo kale, Debut ayaa waxay kaloo tilmaamtay inay qiimeyn doonaan Xaaaladda Xeryaha Dhadhaab, isla markaana ay Shaqaalahooda dib u celin doonaan marka la hubiyo Xaaladda ammaan ee xeryaha Dhadhaab.

MSF ayaa muddo 20-sano ah ka Hawl-galaysay  xeryaha  Dhadhaab ee dalka Kenya, balse ay haatan hawshooda daryeelka caafimaad ah ay kusoo koobeen Xerada Dhagaxleey oo ka mid ah Xeryaha Dhadhaab yaalla.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ay Hay'ada MSF shaqaalaheeda uga Saaray Dhadhaab ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay xoogagga Al-shabaab Isniintii hore weerareen deegaan Gaarisa ku dhow, halkaasoo ay ku dileen Saraakiil ka tirsan booliis dalka Kenyan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya