4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Madaxweyne Xasan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta Gaaray Dalka Nigeria (SAWIRRO)


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo uu ka mid yahay; Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ayaa soo gaaray Magaalada Abuuja ee caasimaddda dalka Nigeria.

Garoonka diyaaradaha Abuuja ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Xasan kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka dalka Nigeria,  iyadoo Wafdigan Madaxweynaha ay kaga Qayb-geli doonaan Magaalada Abuuja Caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Nigeria, Muhammadu Buhari.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Abuuja kula kulmi doona madax kala duwan oo dunida ka socda, kana Qayb-galaya Xafladda Caleemo-saarka Madaxwenaha Nigeria.

Dhanka kale, Wufuud kala duwan oo Afirka iyo kuwo Caalamka ka kala socda ayaa iyana ka Qayb-galaya caleemo-saarka, iyadoo Buhari uu ku guuleystay doorashadii dalka Nigeria ka dhacay sanadkan, isagoo ka adkaaday madaxweynihii ka horreeyay Goodlack Jonathan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya