4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
SOMALILAND: Waa Nasiib-darro Weyn in ay Hay'ada UNFPA Xogtii Somaliland Siiso Somalia


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay maanta inuu ka xun yahay xogtii ay hay’adda UNFPA wada sameeyeen u gudbisay Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in sahankan mala awaalka ee Hay’adda UNFPA samaysay uu gaar u ahaa Somaliland, isla markaana ay la shaqaysay wasaaradda qorsheynta Somaliland, taas oo ay ula jeedeen sidii loo ogaan lahaa xogta dadweynaha ku nool Somaliland.

“Wasaaradda Qorshaynta Somaliland iyo hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA ayaa iska kaashaday Sahan loogu kuur-galayo tirada shacabka ku nool Somaliland sannadkii 2013-kii,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Qorsheynta Somaliland oo ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradaasi Sacad Cali Shire.

“Sahanku wuxuu ka dhacay Gobollada Somaliland oo dhan iyo Deegaannadiisa min Saylac - Dhahar ilaa Buuhoodle. cid Somalia ka socota oo xog-ururinta Somaliland laga sameeyey ka Qayb-gashay ma jirto. Xogta la ururiyay iyo natiijada kasoo baxday Somaliland ayaa is-kaleh cid kale oo Sheegan kartaa ma jirto, Ciddii Sheegatana Sheegashadeeda Waxba kama jiraan,” ayuu raaciyay Qoraalkiisa.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu yiri. “Somaliland iyo UNFPA waxay ku heshiiyeen in war-bixin gaar ah oo koobaysa Tira-koobka Somaliland ay soo saarto, waanay fulisay. Waxaase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xunnahay in hay’adda UNFPA ay xogtii Somaliland siiso Somalia, kalana Qayb-gashay Xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso Natiijadii tiro-koobka Somaliand. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wadashaqayntii Somaliland iyo hay’adda.”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland