4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Maanta Daah-furay Mashruuc Dekeda Boosaaso lagu ballaarinayo

Khamiis, May 28, 2015 (HOL) —Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  si rasmi ah u daahfuray mashruuca lagu ballaarinayo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xaflad kooban oo lagu qabtay  madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda shirkada Divers Marine Contracting L.L.C oo ah shirkada fulinaysa mashruuca ballaarinta dekedda Boosaaso, wasiiro, isimo iyo masuuliyiin kale .

Madaxda shirkadda Divers Marine Contracting L.L.C Cabdallah Darwiish ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay naqshadda ay rabaan inay ka dhigaan dekeda Boosaaso, waxaana uu kula dardaarmay in ay mashruucaas si wanaagsan u hirgeliyaan.

Dhinaca Puntland waxaa heshiiska u saxiixey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdullaahi Jaamac Saalax halka dhanka shirkadda Divers Marine uu u saxiixey Cabdallah Darwiish.

'' Waxaa farxad weyn noo ah maanta uguna bishaaraynayaa dadka reer Puntland inaan halkaan isugu nimi si aan u saxiixno hashiiska ballaarinta dekeda  Boosaaso oo muddo aad sugayseen kana mid ah balan qaadyadii aan samaynay'' ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in  keenista mashruucaan uu waqti badan ku bixiyey , balse maanta ay tahay maalin u weyn shacabka reer Puntland maadama dhawaan la bilaabi doono fulinta mashruucaan oo faa'ido weyni ugu jirto dadka iyo dalkaba .

'' Waxaan madaxda shirkada ku hashiinay in howsha ay si deg deg ah ku bilaabaan , waxaa dhawaan imaanaya qalabka lagu dhisayo dekeda,  howshaasna si dhakhso leh ayey u bilaaban doontaa Isha'allah '' ayuu yiri.

Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo kamid ah isimmada Puntland ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay daah furka mashruuca lagu ballaarinayo dekedda Boosaaso, isagoo Madaxweynaha  uga mahadceliyey dadaalka uu u galay hirgelinta mashruucan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya