4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Michel Paltini oo ugu baaqay Gudoomiyaha FIFA in uu Isku-casilo fadeexada soo if-baxday awgeed


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa eedo kusoo oogtay saraakiil ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, iyadoo saraakiishan la eedeeyay ayaa badankood ka tirsan Xiriirka CONCACAF ee Bartamaha iyo Waqooyiga Ameerica oo xafiiskiisu uu ku yaallo magaalada Miami, Gobolka Florida ee Mareykanka.

Tallaabadan cusub ee Mareykanku ku eedeeyay xubnaha ka tirsan FIFA ayaa loo arkay in doorashada xiriifka FIFA oo Jimcaha berri ah dhacaysa ay wax u dhimi karto, iyadoo kalena saameyn karta marti-galinta Koobka Kubadda Cagta ee ka kala dhici doona dalalka Ruushka iyo Qatar sannadaha 2018-ka iyo 2022-ka.

Shir jaraa'id oo uu qabtay manta Michel Platini ayaa kula taliyay Joseph Sapp Blatter inuu is-casilo maalinta barri ah, isagoo xusay in haddii uu is-casili waayo ay berri taageeradooda siin doonaan Murashaxa kale ee Prinz Ali oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagata ee Aasiya.

“Blatter Haddii uu ka Dhego-fureysto inuu Is-casilo, Maadaama Fadeexadi ay soo baxday, innagu Yurub ahaan waxaan Taageeradeenna siin doonnaa Murashaxa kula tartami doona xilka ee kasoo jeeda Aasiya,” ayuu yiri Palatini.

Ugu dambeyn, Platini ayaa sheegay in Qorshahoodu yahay sidii ay Sharafta Xiriifka FIFA dib ugu soo celin lahaayeen, isagoo xusay in Prinz Ali uu yahay mas’uul aan u baahnayn in uu laaluush qaato, waana taas tan nagu khasbaysa inaan madaxweynaha FIFA u dooranno isaga.

Hadalka, Platini ayaa imaanaya iyadoo Shalay laga Xir-xiray Hoteel ku yaalla Magaalada Zurich ee dalka Switzerland, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku kaceen Musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin.

Mustaf Bashiir Goobdoon
[email protected]
Zurich, Switzerland