4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Guddiga la-talinta Beelaha Banaadiriga oo soo jeediyay Aragti ku saabsan Maqaamka Muqdisho


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Shir ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahannada bulshada Banaadiriga ee UK ku nool 25-kii Maajo 2015kii, ayaa la isku dhaafsaday fikrado ku saabsan Maqaamka Magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ay yeelanayso.

Dood dheer iyo Falanqayn lagu Sameeyay Fikradaha kala duwan ee laga kala Qabo sida uu noqonayo Maqaamka Muqdisho ayaa Wax-garadka iyo Aqoon-yahannadii ka Qayb-galay kulankaas waxay isla garteen qodobbaadn soo socoda;

1. Muqdisho waa xaruntii Somalia, magaalo madaxdii iyo xudduntii midnimada Ummadda Soomaaliyeed; sidaas darteed waa inaan loo qaadan inay tahay magaalo beel ama si gaar ah loo leeyahay.

2. Maamul kasta oo ka dhisma Muqdisho waa inuu noqdo mid ka Tarjumaya Maqaamkaas Qarameed ee ay huwan tahay magaalada.

3. Waxaan soo Jeedinaynaa in la Tix-geliyo Go’aankii ka soo baxay Guddoonka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lambarkiisu ahaa 702/3/1/9/15, taariikhdii uu soo baxayna ay ahayd 04/04/2015 oo caddeynaya in go’aan ka gaarista Maqaamka Caasimada la raaco sida uu qabo Qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah.

4. Waxaan mar labaad Taageersan nahay in aan lagu xad-gudbin Maqaamka uu Dastuurka siinayo magaalo-madaxda Soomaaliya. waxaana baarlamaanka ugu baaqaynaa inuu ka hor-tago, go’aanna kasoo saaro ilaalinta maqaamka Muqdisho, isagoo tix-gelinaaya talo-bixinta dadka Asaloowga ah, ka hor inta aan go’aan loo gudbin hay’adaha dowladda Somalia.

Sidaas darteed, Talada ugu Gurracan Waxaan u Aragnaa in ay tahay in Shacabka lagu Jah-wareeriyo ama lagu abaabulo aragtiyo meel dhow wax ka arka, lagana hor-tago wax walba oo magaalada iyo bulshada ku noolba u keeni kara dib u dhac iyo cawaaqib xumo.

Waxaan soo Jeedinaynaa Dib-u-heshiisiin laga Sameeyo Muqdisho - Waxaana soo Maray dhibaato ballaaran: dil, dhac, bililiqo, kufsi, burburin iyo qaxin, iyadoo Dhibaatadu ay u sii kala badnayd marba sidii loo kala awood badnaa.

Dhibaatooyinkaas weli waa taagan yihiin; niyad xumadii waa taal; hantidii la kala qaatay iyo xaafadihii la Qabsaday, weli la haystaa.

Ugu dambeyn, iyadoo Arrimahaas Halkoodii yihiin oo aan laga Heshiin in lagu Fekaro in Maamul la wada Dhisto, Waxaana u Aragnaa inay deg-deg tahay. Sidaas darteed, inta aan wax kale loo gudbin, waxaa ugu horreeya oo Muqdisho la gudboon waa in la qabto dib-u-heshiisiin dhab ah, waxa la kala tabanayana meel la saaro. 


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya