4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
FATOU BENSOUDA: Caddeymo ku Filan Uma Hayno Dawadaha loo Haysto Ruto iyo Arap Sang


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Dacwad-oogaha Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ee ICC, Fatou Bensouda ayaa maanta Shaacisay in Caddeymaha ay u hayaan Dacwadaha Bani’aadamnimada ah ee loo haysto madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto iyo suxufiga Joshua Arap Sang ay yihiin kuwo ku filan xaqiijinta eedeymaha.

Garsoorayaasha maxkamadda ICC ayaa dhawaan weydiistay Fatou Bensouda inay keento caddeymo ku filan si dacwada Ruto iyo Joshua loo sii wado, iyadoo horay ay maxkamaddu u laashay dacwooyikii la midka ahaa kuwan ee madaxweynaha Kenya loo haystay.

Bensouda ayaa intaas ku dartay inay dib ugu laaban doonto caddeymihii hore, iyadoo intaa raacisay inay maqan yihiin wareysiyo iyo caddeymo ay horay u dalbatay si ay u xoojiyaan dacwaddan.

“Waxaan ka doonaynaa dhibbanayaasha inay horyimaadaan qolka ay ka socoto dacwadda si ay xaqiiqada uga sheegaan,” ayay tiri Bensouda oo intaas ku dartay in Dadka Qaarkood ay cabsi ka muujiyeen in cadeymaha ay bixiyeen darteed loo dhibaateeyo.

Sidoo kale, Fatou Bensouda ayaa sheegtay in xubno kale ay dadaal weyn ugu jiraan inay sii socoto Dacwadda, iyagoo sheegtay in Dhibbanaayaasha la laaluusho iyo in la Cabsi-geliyo, iyadoo ka dalbadatay xubnahaas inaysan hor-istaag ku sameynin cadaaladda.

“Dhibbanayaasha markhaatiga bixinaya ma ahan in la horkeenayo maxkamadda, balse waa laga duubayaan cabashadooda, iyadoo garsoorayaasha loo gudbin doono,” ayay hadalkeeda ku dartay Bensouda.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto iyo Wariye Joshua Arap ayaa loo haystaa inay ku lug lahaayeen Rabshadihii Dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay dalka Kenya sannadkii 2007-dii, kaddib markii lagu murmay doorashadii madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacday.

Waxaa kaloo la sheegay in Dadka Markhaatiga bixin lahaa ee la doonayo inay Dambiyada ku caddeeyaan Ruto iyo Arap aysan garanayn taariikhda ay dhibaatadu ku dhacday, taasoo lagu tilmaamay niyad-jab weyn oo dacwaddan lasoo daristay.

Ugu dambeyn, Bensouda ayaa Sheegtay in 16-markhaati oo ka mid ahaa 42 Markhaati oo horay loo Diiwaan-geliyay ay dib uga gurteen inay dambiyada ka marag-kaaan, taasoo ay sheegtay inay sabab u tahay handadaad, caga-jugley iyo baqdin aar-goosi oo loogu hayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya