4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Shirkii Wada-tashiga Puntland ee ka furmi lahaa Gaalkacyo oo Mar Saddexaad Dib loo Dhigay


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Shirkii wadatashiga Puntland oo qorshuhu ahaa in uu ka Furmo horraanta bisha Juun ee soo socota Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ayaa mar saddexaad dib loo dhigay loo dhigay mid saddexaad.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabad Shirka, Maxamuud Xaaji Saalax oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in shirku uu furmi doono marka laga baxo bisha Ramadaan ee soo socota.

Sidoo kale, Saalax oo la weydiiyay sababta keentay dib u dhaca shirka ayaa xusay in xiliga bisha Ramadaan ay soo dhawaatay, sidaas darteedna la isku af-gartay in Shirka laga dhigo inta Ramadaanka laga baxayo, maadaama ay bil cibaado tahay dadkuna muslimiin yihiin.

“Waxaa la isla gartay in shirka mar saddexaad dib loo dhigo, uuna dhici doono marka laga baxo bisha Ramadaan. Shirku waxay ahayd inuu furmo 01-da Juun uuna socdo illaa 10-ka bisha Juun,” ayuu yiri Maxamuud Xaaji Saalax.

Isagoo sii hadlaya ayaa sheegay in shirka diyaar-garowgiisa lasoo gaba-gabeeyay balse dib u dhacan ay maamulka Puntland go’aansadeen, isagoo intaas raaciyay in shirka aysan jirin waxyaabo kale oo dib u dhiciisa sabab u ah.

Warar madax-bannan ayaa sheegaya in sababta shirka dib loogu dhigay ay tahay markii la waayay dhaqaalihii lagu socod siin lahaa iyo beelaha qaarkoo oo iyaguna qaadacay ka qaybgalka shirka.

Guddoomiyaha oo Arrintaan wax laga weydiiyay ayaa hoosta ka xariiqay inaysan waxba ka jirin Wararkaas oo Shirkan aysan damceen inay Qabtaan haddii aysan dhaqaalihii lagu qaban lahaa haysan.

“Hadallada noocan oo kale ah waa kuwo suuqa lala wareegayo, mana jiro dhaqaale aanu u la’nahay qabashada shirka. Waxaana xaqiijinayaa inaysan jirin wax dhaqaale la’aan ah oo na haysata, shirkana waa la qabanayaa,” ayuu Xaaji Saalax kaga jawaabay su’aal arrintan ku saabsan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka ayaa sheegay inuusan shirkani ahayn mid Wax u dhimaya Maamullada ay Puntland Dariska la tahay oo ay ka Mid yihiin; Somaliland iyo Galmudug, wuxuuna sheegay inay ku Casuumayaan.

Maxamuud Xaaji Saalax ayaa Hadalkiisa kusoo Gunaanaday in Shirkaan uu yahay mid ay Puntland kaga Tashanayso wixii u Qabsoomay, waxa u dhiman iyo sida Shacabka ku nool Puntland ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarinta Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya