4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Xukuumada Kenya oo 84 xubnood ay uga Qayb-galayaan caleema-saarka Madaxweynaha Nigeria


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa la sheegay inuu hogaamin doono wafdi ballaaran oo ka kooban 84 xubnood oo sabtida soo socoto magaalada Abuja ee xarunta Dalka Nigeria oga qeyb gali doono Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee wadanka Nigeria Muhammadu Buhari.

Wafdigaan oo ka kala socdo hay’adaha kala duwan ee Kenya, ayna ku jiraan mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Aqalka Madaxtooyada, Xoghayayaal, Waaxda adeegga Wararaafinta u qaabilsan Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ee Kenya, ayaa su'aalo badan laga keenay qarashka ku baxaayo safarkooda oo aad u tiro badan.

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah shakhsiyaadka wafdigaan ku jiro, ayaa sheegay marka laga reebo Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ee dalka Kenya Margaret Kenyatta, in masuuliyiinta kale ee ka mid ah Wafdigaan ay maalin kasto qaadan doonaan lacag gunno ah oo aanan ka yareyn $ 400 oo u dhiganto 40,000 oo Kenya Shilling ah.

Masuulkaan, ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah saraakiisha ay gaareen Nigeria,iyagoo ka safreen Kenya Isniintii aynu soo dhaafnay, wuxuuna sheegay iney soo noqon doonaan Kenya Axada soo socota.

Warqad ku Taariikheysneyd 26-ka bishan May oo ka soo baxday xafiiska Wakiilka Sare ee Safaarada Kenya ay ku leeyahay Magaalada Abuja- oo lagu magacaabo Thomas Amolo, ayaa xaqiijiyay in Wafuudaas 84 xubnood ah, ay 61 ka mid ah ka kala imaan doonaan Aqalka Madaxtooyada iyo Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Safaarada Kenya ee Abuja ayaa ku tilmaamtay fursad booqashadaan oo ay ku sheegtay iney sii cusboonaysiin doonto xiriirka u dhaxeeyo dalalka Kenya iyo Nigeria.

Liiska 84- xubnood ah waxaa ku jiro 11-xubnood oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda, Toddobo ka tirsan Aqalka Madaxtooyada, Afar sarkaal oo ka socdo Adeegga Saxaafadda ee Madaxtooyada, saddex ka tirsan saraakiisha guriga qaranka, Sagaal ka tirsan Saraakiisha ammaanka iyo Sideed saraakiil oo ka tirsan Guddiga Sare ee Kenya.

Dhanka kale 23-xubnood oo ka tirsan saraakiisha xukuumadda oo ku jiro Wafdigaan, ayaa waxaa ka mid ah danjire Aamino Max'ed oo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ah ee Kenya. Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada oo lagu magacaabo Manoah Esipisu, Xoghayaha gaarka ah Madaxweynaha Jomo Gecaga iyo Lawrence Lenayapa oo ah xisaabiyaha Madaxtooyada.

Dhamaan xubnahaan, ayaa la sheegay iney goob joog ka noqon doonaan xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee wadanka Nigeria Muhammadu Buhari oo la filaayo iney dhawaan ka dhacdo wadankaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya