4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Xisbiyada Somaliland oo ka Heshiiyay khilaafkii ka dhashay Muddo Kordhintii Golaha Guurtida SL


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Hogaamiyeyaasha xisbiyadda qaranka Somaliland iyo xukuumadda ayaa si wada jir ah usoo af jaray khilaafkii muddo kordhinta ahaa ee golaha Guurtiddu u samaysay xukuumadda iyo golaha Wakiilada.

Kulan xalay goor dambe ka dhacay guriga madaxtooyada Somaliland ayaa lagu soo afjaray khilaafkaasi muddo kordhinta, isla markaana waxay isla garteen in doorashada madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladdu ay dhacdo bisha  12aad,2016, halka ay golaha Guurtiddu u asteeyeen Bisha Afraad,2017, iyadoo afar bilood laga jaray wakhtigi guurtiddu cayintay.

Heshiishkan ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran waxa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, kuwaas oo is afgaradkaasi ka soo saaray afar qodob.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib wada hadalo maalmihii u dambeeyay u socday saddexda Xisbi iyo Xukuumadda oo lagu lafo gurayay muranka ka dhashay mudada sanadka iyo tobanka bilood aha ee Guurtiddu u kordhisay xukuumadda iyo golaha Wakiiladda.

Afarta qodob ee lagu heshiiyey ayaa kala ahaa sidan:

1. Waxaanu Ixtiraameynaa Go,Aankii Golaha Guurtida Ee Kordhinta Muddo Xileedka Madaxweynaha, Ku Xigeenkiisa Iyo Golaha Wakiilada Somaliland

2. In Doorashaada Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiiladu Ay Qabsoomaaan  15-ka December, 2016-ka.

3. Waxaa Ay Saddexada Xisbi Qaran Ucid, Wadani Iyo Kulmiye Ku Talinayaan In Dooroshooyinku Qabsooman Bisha 12 Ee Sanadka 2016 Iyada Oo Kominshanka Doorashoyinku uu Soo Jeedin Doonan Maalinta Ay Qabsoomeyso Doorashooyinku.

4. Maadama Oo Saddexada Xisbi Qaran Ay Ku Hishiiyen Wakhtiga Doorashooyinka Waa In Kominshanka Doorashooyinku Soo Jeediyaan Maalinta Ay Qabsoomeyso Doorashooyinku Isla Markaana Waxaa Aanu Soo Jeedineynaa In Madaxweynuhu Digeertu Ku ansixiyo Maalinta Doorashooyinka .

Sadddexda xisbi iyo xukuumadda ayaa isku mari lahaa maalmihii u dambeeyey in heshiish laga gaadho muddo kordhinta, waxaana xukuumaddu ku adkaysanaysay in la taabtaan tahay muddo kordhinta Guurtidda, taas oo keentay in dhawr jeer ka soo baxo shirka xisbiga WADANI.

Xukuumadda ayaa inta badan ka cararaysay inay beesha caalamku soo farogaliso arrimaha Somaliland, waxaana shalay kulammo la yeeshay xisbiyadda iyo xukuumadda safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, isagoo sheegay in aanu farogalin ku samayn doonin arrimaha Somaliland balse loo baahan yahay in xisbiyaddu ka heshiiyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta.

Si kasta ha ahaatee,  golaha Guurtidda ayaa la eegayaa waxa uu kaga jawaabo heshiishkan dhexmaray xisbiyadda iyo xukuumadda, maadaama oo mudaddi uu cayimay laga guuray, isla markaana afar bilood laga jaray mudaddii uu u cayimay doorashadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]      
Hargeysa, Somaliland