4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Sheekh Xasan Turki oo ku Geeriyooday Deegaan ka Tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ee Somalia


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi (Sh. Xasan Turki) oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii aasaasay Al-shabaab ayaa geeriyooday, kaddib markii uu in muddo ah xanuunsanaa, sida ay sheegeen saraakiil sare oo Al-shabaab ka tirsan.

Xubnaha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Sh. Xasan Turki uu jiray 73-jir, xilliyadii u dambeeyayna uu xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday deegaanka Hargeysa Yarey oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe.

Sh. Xasan Turki ayaa kooxihii uu aasaasay waxaa ka mid ahaa Raaskambooni oo ay xubno ka ahaayeen dad badan oo hadda xilal kale ka haya dalka, waxaana uu ururkan burburay markii ay dagaallameen Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa isna xaqiijiyay geerida Sh. Xasan Turki, isagoo xusay inuu Sheekh Xasan uu ka mid ahaa xubnaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya uuna saddex jeer wada kulmeen Sheekh Osama Bin Laden.

Ugu dambeyn, Sheekh Xasan Turki ayaa ka mid ahaa xubnaha Al-shaaaab ka tirsan ee uu baadi-goobka ku hayo Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiirir dhow la lahaa Ururweynaha Al-Qaacida.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga xilliga la aasayo iyo halka lagu aasi doono, iyadoo la xusuusto in hoggaamiyeyaal badan oo uu ka mid yahay Sheekh Axmed Madoobe ay si aad ah isugu dhawaayeen Sheekh Xasan Turki.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya