4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
SAWIRRO: Dowladda Hoose ee Laascaanood oo Maanta burburisay Dhismayaal Sharci-darro ah


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Dowladda Hoose ee degmada Laascaanood ayaa maanta burburisay guryo u badan goobo ganacsi oo ku yaalay bartanka degmada, kaddib markii ay sheegtay inay waddo laami ah mari doonto goobaha gurayahan laga burburiyay.

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose oo Goob-joog ka ahaa Howshan burburinta guryaha ayaa ayaa sheegay inay horay u bixiyaan amaro ay dadka iska leh ku rartaan, lana gaaray xilligii ay ka dhabeyn lahaayeen ballankii ay qaadeen ee ahaa inay dib u soo celin doonaan bilicda Magaalada Laascaanood.

Cismaan Xuseen Carab oo ka mid ah mas’uuliyiinta magaalada Laascaanood ayaa maanta HOL u sheegay in guryaha la Burburiyay iyo kuwa ay la dumin doono ay yihiin 9-dhisme oo daaro ah iyo sandaqado aad u tiro badan.

Dadweynaha dhibaatadani gaartay ayaa ku kala aragti duwan howlgalka ay ku burburisay Dowladda Hoose ee Laascaanood dhismayaashoodii ganacsi, waxayna qaarkood qabaan in wixii khasaare ah ee soo gaara uu ka badan yahay faa’iidada ay ka heli doonaan waddada laamiga ah ee guryahooda hormartay, isla markaana qiimo sare ay yeelanayaan, waxaana kuwa sidaan qaba ka mid ah Aadan Maxamed.

Sidoo kale, dad badan ayaa iyaguna qaba in Dowladda Hoose ay samaysay tacaddi, iyagoo weliba raacinaya in qaab Qabyaaladaysan ay u adeegsadeen awooddooda.

Bulshada ku nool Laascaanood ayaa Aragtidooda ku wajan Howshan ay u Muuqataa inay tahay tallaabo sax ah; laakiinse ay shaki ka qabaan waddada Laamiga ah ee la sheegay in dhismaheeda la billaabay aan la dhamaystirin.

“Waxaan eegaynaa Waddada la sheegayo in la sameeyo, taasi hadday dhabowdo waa guul aad iyo aad u weyn, kumase deg-degayo inaan hadda waa sax iraaho; iyadoo meheradeydii la burburiyay,” sidaa waxaa tiri Maryan Maxamed Cali xilli ay goob bal-balo ah agabkii ka haray burburka daashkii ay ku hoos ganacsanaysay ka guranaysa.

Si kastaba ha ahaatee, waa mid wax weyn ka taraysa bilicda Magaaladda iyo isku socodka Gaadiidka, iyadoo ay yar tahay Kalsoonida Dadweynuhu ku Qabaan inay ka Dhabeynayso Dowladda Hoose ee Laascaanood dhismaha Waddada Laamiga ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool