4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Guddoomiyihii Hore ee Degmada Isku-shuban oo Gellinkii Dambe ee Maanta Toogasho lagu Dilay
Image
Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa galabta toogasho ku diley Cabdirasaaq Muuse Cartan oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Dilka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa tuulada Carta iyo degmada Carmo oo qiyaastii 100km dhanka koonfurta magaalada Boosaaso kaga beegan.

Mas'uulkaas oo xilligii la dilayey xubno qoyskiisa ka tirsani weheliyeen, kuna sii jeedey degmada Qardho, waxaa gaargiisa gaari kale ku hor gooyey dhowr nin oo hubeysan kuwaasoo markii uu gaariga kasoo degey tacshriidad ku furey.

Ma cadda sababta ka dambeysey dilkaas, ilaa haddana lama aqoonsan haybta dableyda weerarka fulisey, sidoo kale saraakiisha hay'adaha amniga Puntland weli arrintaas kama hadlin.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dilkani salka ku hayo aano qabiil, inkastoo ilaa hadda warkaasi ahayn mid sugan.

Cabdirsaaq Muse Cartan oo dhowaan xilka wareejiyey wuxuu maayerka degmada Isku-shuban soo ahaa muddo ka badan lix sano.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya