4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Bari oo Maanta Amar ku bixisay in lasoo Xiro Laba Wariye


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Wareegto Maanta kasoo baxday Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Bari ee Puntland ayaa lagu amray in lasoo xiro laba Wariye oo Puntland ka Howl-gala kuwaasoo kala ah; Faadumo Yaasiin Jaamac oo u shaqeysa Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da iyo Yuusuf Maxamed Yuusuf oo ka tirsan Idaacadda SBC.

Maxkamadda ayaa qoraalkeeda ku xustay in labadan Wariye ay handadaad iyo afla-gaaddo ugu geysteen maxkamadda gudaheeda Garsoorayaal, iyadoo Maxkamaddu ay ku Amartay Taliyaha Booliiska Gobolka Bari inuu soo xiro Labadaan Suxufi.

Labada wariye ayaan weli la xirin, waxaana Kuklan ay yeesheen Wariyeyeyaasha ku sugan gobolka Bari ku codsadeen in amarka Maxkamada dib loo dhigo, xal kale oo arrintan looga gudbi karana la raadiyo.

AKHRISO; WAREEGTADA LAGU AMRAY XARIGGA LABADA WARIYE;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya