4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2015
BOOSAASO: Qoxooti ka badan 2,000 oo ka soo Cararay Yemen oo Maanta soo gaaray Puntland
1
Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — In ka badan 2,000 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa maanta oo Arbaco ah soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dadkaas oo isugu jirey Soomaali, Yemeniyiin iyo Ethiopian ayaa la socdey doon kasoo shiraacatey dekedda Mukallah.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo intaas kaddib loo soo daad gureeyey goob loogu talo galay  in qaxootiga Yemen kasoo cararaya si kumeel gaar ah loo dejiyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ahna guddoomiyaha guddiga qaran ee loo saarey qaabilaadda qaxootiga ka imaanaya Yemen , Mudane Cabdullaahi Qoob-Deero ayaa warbaahinta u sheegay in tirada qaxootiga magaalada Boosaaso soo gaarey laga soo bilaabo bishii April ay dhan tahay 7083 qof, dadkaasoo la socdey labo iyo toban doonyood oo kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in Dowladda Federaalku maraakiib iyo diyaarado u diri doonto dalka Yemen, si loo soo daad gureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xanniban dagaallada dalka Yemen ka soconaya.

Dhanka kale, waxaa socda dadaalo ay wadaan culimaa'uddiinka Soomaalida iyo ganacsatadu kuwaasoo ku aaddan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban goobaha dagaalladu ka socdaan ee Yemen.

Somaliland  ayaa todobaadkan horraantiisii sheegtay inaysan hadda kadib qaabili doonin qaxootiga ka imaanaya Yemen, arrintaasoo caqabad ku ah Puntland maadaama ay culeys kala kulmi doonto qaxootiga oo badankood usoo weecanaya dhanka magaalada Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya