4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Saraakiil Sare oo ka Tirsan Xiriirka FIFA oo loo Xir-xiray eedeymo la Xiriira Wax-is-dabamarin


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Lix sarkaal oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa lagu Xir-xiray Hoteel ku yaalla Magaalada Zurich ee Waddanka Switzerland, waxaana ku jira saraakiishan madaxwayne ku xigeenka FIFA.

Xubnahan FIFA ka tirsan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin wax is-dabamarin ay ku kacaysa 100-Milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Waxaana Xubnahan la Xiray markii ay isugu tageen magaalada Zurich halkaas Jimcaha soo socda uu ka dhicayo shir-sannadeedka FIFA, kaasoo lagu dooran doono madaxweynaha cusub ee FIFA.

Madaxwaynaha haya Xilka FIFA, Joseph Sapp Blatter ayaana u sharaxan oo doonaya inuu Xilka qabto markii Shanaad. Iyadoo uusan ku jirin sida la sheegayo Blatter xubnaha la xir-xiray.

Jeffrey Webb oo ah madaxa xiriirka kubadda cagta ee waqooyiga iyo bartamaha Ameerika iyo Caribbean-ka ayaa la Sheegay inuu ka mid yahay Saraakiisha la xiray, sida uu sheegay Richard Conway oo ah wariye ka tirsan BBC-da kuna sugan Zurich.

Dacwad-oogayaasha Switzerland waxay billaabeen baaritaan ku saabsan tartankii loo galay Qabashada Koobka Adduunka ee 2018-ka iyo 2022-ka, kuwaas oo ay ku kala Guulaysteen Waddamada Ruushka iyo Qatar.

Qoraal kasoo baxay xeer-ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa lagu sheegay in Baaritaanka la billaabay. iyadoo la Shaaciyay in Macluumaad iyo Dukumiintiyo laga helay xafiiska ugu wayn ee FIFA ay ku leedahay Zurich.

FIFA ayaa xaqiijisay inay Doorashada Madaxweynaha Cusub ee xiriirka FIFA ay sidii loo Qorsheeyay ku socon doonto oo aanay jirin wax isbedel ah oo lagu sameyn doono; iyadoo dhici doonta doorashada maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

Afhayeenka xiriirka FIFA, Walter Degregorio ayaa isna sheegay in Madaxweynaha FIFA, Blatter aanu ku lug lahayn fadeexadan cusub ee loo xir-xiray xubnaha lixda ah ee Xiriirka FIFA ka tirsan.

Sidoo kale, Waaxda Cadaadaladda ee dalka Maraykanka ayaa iyana sheegtay inay Dacwad kusoo oogtay saraakiil sare oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA, kuwaas oo ay ku eedeeyeen Laalush Qaadasho iyo Wax is-badamarin.

Xubnaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ee lagu xiray Zirich ayaa waxay kala yihiin; Refael Esquivel, Nicolas Leos, Jeffrey Webb, Jack Warner, Eduardo Li, Jose Maria Marin iyo Eugenio Fiqueredo.

Dhanka kale, afhayeenka FIFA Gregorio ayaa Xaqiijiyay in sidii loo Qorsheeyay ay u dhici doonaan Koobabka Kubadda Cagta ee Adduunka ee dhicaya Sannadaha 2018-ka iyo 2022-ka, kuwaasoo lagu kala qaban doono Waddamada Qatar iyo Ruushka.

Ugu dambeyn, xiriirka kubadda cagta FIFA ayaa xusay inay la shaqeynayaan Xukuumadda Switzerland, ayna soo dhawaynayaan Tallaabo walba oo xididka loogu siibayo Qaladaadka ka dhex-jira Cayaaraha Adduunka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya