4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo booqday xarumo muhiim ah oo ku yaalla Kismaayo [SAWIRRO]


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray xarummo muhiim ah oo ku yaal magaalada Kismaayo.

Raysul wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku bilaabay bangigii hore ee ganacsiga, kaasoo dhawaan lagu bilaabay howlo dib loogu dayactirayo, iyadoo bangigagani uu burbursanaa tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii hore ee Soomaaliya.

Raysul wasaaraha iyo wafdigiisa oo kormeerkooda sii watay ayaa booqday xarunta Smart Technology ee sameeysa aqoonsiyada sharciga ah iyo weliba taarikooyinka gaadiidka, isagoo warbixinno ku aadan howlaha shaqo ee xaruntaasi ka dhageystay madaxda xarunta smart Technology ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa tagay xarunta rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ay ku leedahay magaalada Kismaayo, isagoo socod ku maray xafiisyada kala duwan ee xaruntaasi, waxa uuna sidoo kale warbixin ku aadan rugta ganacsiga iyo warshada Jubbaland ee JCCI ka dhageeystay gudoomiyaha rugtaasi Shaafi Raabi Kaahin, kaasoo sheegay in ganacsatada Jubbaland ay u baahanyihiin in ay dowladda Soomaaliya ka helaan garab istaag iyo wada shaqeyn toos ah.

Goobaha ay booqdeen waxaa sidoo kale kamid ah Dhisme casri ah oo laga hirgelinayo nawaaxiga dekedda Kismaayo, iyo weliba dhismeyaal kale oo dhawaan dayactir lagu sameeyay, waxa uuna raysal wasaaruhu bogaadiyay dib u dhiska ka socda magaalada Kismaayo.

Raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kormeerkooda kusoo gabagabeeyay dekedda magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku xirnaayeen maraakiib iyo doomo ganacsi, kuwaasoo siday shixnado ganacsi oo kala duwan, waxaana intaa kadib uu wafdigu dib ugu laabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.