4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
BUJUMBURA: Dagaallo & Dibadbaxyo weli socda iyo NKURUNZIZA oo ka Hadlay Doorashooyinka


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Iska-horimaadyo u dhexeeya booliiska dalka Burundi iyo Dadweyne dibadbaxyo ka dhigaya Caasimadda Dalkaas ee Bujumbura ayaa weli ka socda Magaaladaas, iyadoo Madaxweynaha Wadankaas Pierre Nkurunziza uu maanta ka hadlay Doorashada madaxweynenimo ee dalkaas ka dhici doonta bisha soo socota.

Ururrada Bulshada Rayidka ha ee Burundi ayaa sheegay in booliiska dalkaas 20-qof dilay tan iyo markii ay Mudaaharaadyada looga soo horjeedo in Madaxweynaha dalkaas uu mar saddexaad isku sharraxo doorashada ay ka billowdeen Bujumbura bishii hore ee Abriil.

Sawirro laga qaaday goobaha dibadbaxyadu ka socdaan maanta ayaa lagu arkayay ciidamo booliis ah oo rasaas ku furaya dad dibadbaxyo dhigayay, kuwaaasoo iyaguna dhagaxaan ku tuurayay ciidamada rasaasta kusoo ridaya.

“Arrinta murugada leh waa Ciidamada Booliiska oo si toos ah rasaasta ula eeganaya dadka shacabka ah. Waxayna dileen tiro shacab ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka dibadbaxyada ka dhigaya caasimadda Burundi. Isagoo raaciyay. “Banaanbaxa waan sii wadaynaa kamana baqayno booliiska.”

Goob-jooge kale ayaa isna sheegay in ciidammo ka tirsan booliiska dalkaas ay rasaas aad u xooggan ku furayeen dadka bannaanbaxyada dhigayay, kuwaasoo uu sheegay inay wateen gaari Toyoto ah oo dusha ka furan.

Mucaaradka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Burundi inay ka dambeeyeen dilkii hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ah ee UPD, Zedi Feruzi oo 22-kii bishaan la dilay, kaddib markii bambaano lagu tuuray goob ay dibadbaxyo ka socdeen.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Burundi, Nkurunziza ayaa sheegay in doorashooyinka madaxnimada la qaban doono 26-ka bisha Juun, kaddib markii dhawaan uu sheegay in dib loo dhigay hal toddobaad doorashadii golayaasha deegaanka iyo baarlmaaanka dalkaas.

"Waxaan ka codsanayaa Shacabka Burundi inay ixtiraamaan Xuquuqda Dadka kale. Marka aad hoggaamiye neceb tihiin waa inaadan codka siin, waayo taasi waa mid dimuqraadiyad ah, balse inaad rabshado sameysaan ma ahan,” ayuu Nkurunziza ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Burundi ayaa Sheegay in Xalaadda Ammaan ee dalkooda ay marayso meel aad halis u ah, iyagoo sheegay inay hakiyeen wadahadal ay xukuumadda dalkaas la furi lahaayeen, kaddib markii la toogtay hoggaamiye mucaaradka ka tirsan.

“Xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee dalka Burundi waa mid meel halis ah maraysa… kamana dhici karaan Doorashooyin si Xor iyo Nabad ah ku dhaca. waxaana ka digayno in Burundi Qalalaase hor leh la geliyo,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen mucaaradka dalkaas Arbacada maanta ah.

Ugu dambeyn, Wararka laga helayo magaalada Bubumbura ayaa sheegaya in Rasaasta ay ku fureen Booliiska dalkaas dadka Dibad-baxyada dhigayay ay dishay ugu yaraan Saddex qof oo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya