4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Puntland oo kasoo horjeesatay tira-koobkii ay shaacisay dowladda Federaalka Soomaaliya

Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga soo hor-jeestay sahanka qiyaasta tirkoobka shacabka Soomaliyeed oo ay dowladda Soomaaliya ku shaacisay shalay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Shir ay ka Qayb-galeen xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Puntland oo ka dhacay Garoowe ayaa wax la isaga weydiiyay tira-koobka ay dowladdu federaalka Soomaaliya soo saartay, iyadoo Puntland ay been-abuur ku tilmaamtay tirakoobka ay dowladda Ssmalia shalay ku dhawaaqday.

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax ayaa Xusay in dadka ku nool Puntland ay tiradoodu gaarayso 4,284,633, wuxuuna wasiirku uu intaa ku daray in tirakoobkan ay ka qayb-qaadatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dad-weynaha iyo Tira-koobka ee UNFPA.

Cali Axmed Faarax ayaa Shirkiisa jaraa’id kusoo Bandhigay Tira-koob uu ku Sheegay in kalsoonaan karo, kaasoo laga sameeyay gobolada Bari ,Nugaal ,Sanaag ,Mudug iyo waliba magaalada Buuhoodle.

Wasiirka qorshaynta Puntland ayaa sidoo kale xusay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii la soo saaray qiyaastan hor-dhaca ah; balse lagu Heshiiyey in Dib looga noqdo, markii uu yimid Puntland Wasiir C/rixmaan Caynte oo dhawaan soo booqday magaalada Garoowe.

Ugu dambeyn, sahankanka ay Puntland ka carootay ayaa ay dowladda Somalia ku sheegtay in lagu diyaariyay labo sano gudaheed,iyadoo qiyaasta dadka Soomaaliyeed ay ku sheegtay in ay tahay 12,316,895 qof.

HALKAN KA AKHRISO TIRA-KOOBKA AY SOO SAARTAY PUNTLAND;

Faysla Mohamed Hassan
[email protected]